Warbixin: In ka yar 90 maalmood ayaa ka dhiman waqtiga ay ku egtahay dowlada KMG Soomaaliya

Waqtiga ayaa kasii dhacaya dowlada TFG-da Soomaaliya ee uu madaxda ka yahay Sheekh Shariif Sheekh Axmed, xilli ay hortaalo shaqo adag oo ku saabsan socod siinta howlaha roadmap-ka.

In ka yar 90- maalmood ayaa ka harsan waqtiga ay ugu egtahay dowlada KMG Soomaaliya, sida uu shaaciyey Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Augustine Mahiga.

Hogaamiyaasha siyaasada Soomaalida ayaa si cad ugu soo heshiiyey shir ay Qaramada Midoobay soo qaban qaabisay todobaadki hore oo ka dhacay magaalada Addis Ababa kaasi oo lagu go,aamiyey in madaxweynaha cusub ee Soomaaliya lasoo doorto 20-ka bisha August ee soo aadan.

“Somalia mudo ka yar 90 cisho ayaa uga dhiman in ay sameyso mid ka mid ah taariikhaheedii ugu wanaagsanaa ee dhawaanahani sameyso, ma jirto waqti dib wax loo dhigo ama loo dayaco shaqadu way socotaa waxaanuna xaqiijineynaa in si sharci ah loogaga gudbo waqtiga kumeel gaarka ah loona gudbo dowlad rasmi ah,” ayuu yiri Mahiga.

Dad badan ayaa rumeysan in xitaa hadii la helo dowlad cusub in dhibaatada Soomaaliya ay sii jiri doonto, ilaa Soomaalida iyaga loo daayo madaxbanaanidooda, halka kuwo kale ay qabaan in xalka uu ku jiro in beesha caalamka ay si dhab ah ugu soo jeesato Soomaaliya.

Sanadki lasoo dhaafay Qaramada Midoonay ayaa shaacisay in Soomaaliya ay ku dhifatay macluul taasi oo dishay kumaan ruux oo u badnaa caruur iyo waayeelo, hase yeeshee marki danbe gurmad xoog leh kadib xaaladi macluusha waa laga baxay, waxaase wali baahan dad lagu qiyaasay 2.5 million oo ruux.

Hada waxaa magaalada Istanbul ka socda shir lagu wado in caawa lasoo gaba gabeeyo kaasi oo ay ka qeybgalayaan in ka badan hogaamiyaasha 54 dowladood, waxaa loogaga hadlayaa xaalada Soomaaliya.

Dadka siyaasada lafa gura waxay leeyihiin arrintani waxay u muuqataa in Soomaaliya si weyn markan loo daneynayo caalamkana uu doonayo in la helo dowlad sax ah oo isku filan isla markaana leh ciidamo dhameystiran.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.