Warbixin: Hadal heynta saakay ee magaalada Muqdisho iyo ardayda oo intooda badan la fasaxay

Waxaa saakay xasilan jawiga guud ee magaalada Muqdisho oo lagu wado in maanta lagu doorto madaxweynaha cusub ee Soomaaliya.

Hadal heynta ugu badan ee caasimada ayaa ah doorsahada madaxweynaha iyo cida kusoo bixi doonto oo noqon doonto hogaamiyaha Soomaaliya ee afarta sano ee soo aadan.

Inkastoo ay dadku ku kala fikir duwanyihiin cida kusoo bixi doonto xilkaas ayaa hadana waxay kuu sheegayaan in arintu ay iska cadahay oo la dooran doono madaxweyne Sheekh Shariif.

Dad badan oo iyana mucaarad ku ah Sheekh Shariif ayaa rumeysan in hadii aysan eex dhicin la dooran doono Ra’isulwasaarihisi hore Maxamed Cabdulaahi Farmaajo oo ay u arkaan nin daacad ah.

Laakin dadka taxliiliya siyaasada ayaa sheegaya in isbaheysiga labada Shariif uu meesha ka saaray tartanki ay Sheekh Shariif kula jireen Ra’isulwasaarayaashi hore ee kala ah Farmaajo iyo Abdiwali Gaas, ciyaartuna ay tahay Sheekh Sahriif iyo qofna.

Dhanka kale, waxaa xiran wadooyinka ugu muhiimsan caasimada oo loo diidayo in ay baabuurta maraan halka dadkana la baarayo.

Iskuulada iyo jaamacadaha magaalada Muqdisho ayaanan saakay la aadin kadib marki shalaydi hore la fasaxay maadaama wadooyinki la mari lahaa u xirmeen doorashada madaxweynaha aawadeed.

Kumanaan ruux ayaa iyaguna ka baaqsaday shaqooyinkooda oo go,aansaday in ay guryahooda kala socdaan doorashada madaxweynaha.

Idaacadaha Muqdisho iyo TV-yada ayaa toos u tabinaya hadba halka ay wax marayaan iyo sida jawigu yahay.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here