Warbixin: Dr. Cabdiwali Gaas ma mudanyahay inuu madaxweyne noqdo?

Ra’isulwasaaraha xiligiisu dhamaaday ee Soomaaliya, Dr. Cabdiwali Maxamed Cali (Gaas) waxa uu ka mid yahay musharaxiinta ugu cad cad doorashada madaxweynaha ee Soomaaliya ee la filayo in dalka ay ka dhacdo 10-ka bishan September.

Dr. Gaas waa aqoonyahan ku taqasusay cilmiga dhaqaalaha, isaga oo shahaadada Phd ka diyaariyey jaamacada ugu caansan xiligaan casriga ah aduunyada ee Harvard University dalka Mareykanka.

Mas,uulkaan waxa uu ahaa tan iyo sanadki 2011 wasiirka koowaad ee Dowladi KMG aheyd ee bishi lasoo dhaafay waqtigeedu dhamaaday, laakin su,aasha ay dad badan is weydiinayaan ayaa ah muxuu kusoo kordhiyey dalka.

Cabdiwali ayaa mar walba ku cel celiya inu xukumadiisa wax ka qabatay arimaha amaanka iyo xasiloonida Muqdisho iyo qaar ka mid ah gobolada dalka, hase yeeshee dadka sida dhabta ah u darsa xaaladaha siyaasadeed ee dalka waxay qabaan in arintu aysan sidaa aheyn.

Howlaha ay dowladu qabatay intooda badan waxay dhaceen xiligii Ra’isulwasaraihi isaga ka horeeyey ee Farmaajo, waxa kale oo amaanka Muqdisho lagu xasuustaa Madaxweynaha xiligiisu dhamaaday iyo gudoomiyaha goboka Banaadir.

Dadka naqdiyaa siyaasada Dr. Cabdiwali waxay leeyihiin waa nin dadaal badan, laakin u janjeera \xaga qabyaalada iyo macangagnimada kursi jaceylka taasi oo aysan xiligaan u baahneyn Soomaaliya.

Shalay hadal uu ka jeediyey xarunta gudiga doorashada madaxweynaha mar uu buuxiyey shuruudihi laga rabay ayuu sheegay inuu rabo inuu kusoo baxo doorashada madaxweynaha.

Wuxuuna R’iisul Wasaaruhu sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay inuu maanta gudbiyay arjigii musharaxnimo, isagoona intaasi ku daray iney guul u tahay shacabka Soomaaliyeed in Caasimada dalka ee Muqdisho lagu qabto doorashooyinka Madaxweynanimada markii ugu horaysay mudo 45 sano ah, kuwaas oo ka dhici jiray labaatankii sano ee lasoo dhaafay dalka dibadiisa.

Ugu dambeyntii Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in haddii uu ku guuleysto doorashooda uu waxbadani ka qaban doono Arrimaha Amniga,Dhaqaalaha, Waxbarashada, Shaqo la’aan, Caafimaadka, Dib u dhiska dalka, La dagaalanka musuq maasuqa, Kana shaqeyn doono sidii loo hormarin lahaa arimaha Cadaalada.

Hadaba su,aasha taagani waxay tahay Ra’isulwasaare Gaas ma mudanyahy in xiligaan uu noqdo hogaamiyaha dalka, codad ku filan maka heli doonaa baarlamaanka mise waxa uu ku heri doonaa wareega koowaad.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

1 COMMENT

  1. soomaaliya waxaa ku dhacay cudur qabiil ah marka cayda iyo aflagaada iska daaya cabdi wali gaas aqoon uma lidihin waa ninka maanta soomaaliya dhibka kasaari kara adeer uqdada iska saara waxa laleeyahay may soomaali heshiiso shariif axmed waa tuug 1500.000000 dolor ayuu dhacay aqoona malaha xitaa engelsh mayaano oo waad aragteen turjubaan ayaa loo sameyay soomaaliya isaga ceebeyay isaga lagama yaabo inuu soomaaliya mar kale soo hor istaago waayo aqoon malaha aduun kuna marabaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here