Warbixin: Doowlada oo Ciidamo geysay Huriwaa

SOMALIA-UNRESTKa dib todobaadyo uu aad u liitay ammanaka Muqdihso, ayaa dadka deggan degmada Huriwaa soo dhaweeyeen howlgalinta ciidamada Soomaaliyeed si ay wax uga qabtaan soo labakacleyn ka imaan karta xubnaha al-Shabaab ee ku dhex qarsoon dadka.

Labo habeen oo isku xiga oo ah horraantii February, ayaa al-Shabaab waxay ku ridday “waxyaabaha qarxa oo la macmalay” meelo u dhow guriga madaxtooyada Soomaaliya iyo lix degmo oo kale oo Muqdisho ku yaala, oo ay ku jiraan Xamarweyne, Xamar Jajab, Waaberi iyo Warta Nabadda.

Dadka deegaanka waxaa ka sii nixiyay warar ka imanayay degmada Huriwaa usbuucii hore, ka dib markuu Guddoomiyaha Degmada Cumar Cabdulle Jacfaan ka digay in al-Shabaab ay weerar ku soo qaadday deegaankaas iyo in ay si fudud ku qabsan karaan.

Xukuumaddu waxay ciidamo dheeraad ah u dirtay degmada Huriwaa 20-kii February, ayuu yidhi Jacfaan, habeenkaasna dagaal kulul ayaa dhexmaray al-Shabaab iyo Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) ka dib markii xagjiriintu ay weerareen saldhigyadii ciidanku ku lahaayeen degmada.

Ayagoo ka jawaabaya warar sheegayay in dagaalyahaniin al-Shabaab ah ay isku urursanayeen Huriwaa, ayaa dadka deegaanku ay qaarkood ka carareen guryahooda ugu yaraan hal maalinna ka maqnaayeen, afhayeenka Banaadir Maxamed Yuusuf Cusmaan siduu u sheegay Sabahi. Mas’uuliyiintu ma xaqiijin karin tirada guud ee dadka ka cararey degmada, laakiin Cusmaan waxa uu qiyaasay in boqolaal qof uu saameeyay barakacan kooban.

Amni darrada Muqdisho waa “wax aan la aqbali karin”

“Waa wax aan la aqbali karin in ammaanka Muqdisho uu xumaado,” ayuu Guddoomiye Ku-xigeenka Banaadir ee Arimaha Ammaanka Warsame Maxamed Xasan u sheegay Sabahi. “Si wax looga qabto arrinkan, waxaan degamada Huriwaa u dirnay ciidan ka hortaga tallaabooyinka ay kooxda xagjirka ah geysanayso.”

Xasan ayaa sheegay inuu ku rajo weynyahay in ciidamada ammaanku ay mar dhow sugi doonaan amniga dhammaan degmooyinka Muqdisho, asagoo yidhi, “Waxaan si adag ula dagaallamaynaa falalka amni darrada.”

Daahir Guuled, oo ah 54-jir deggan Huriwaa, ayaa sheegay in weerarrada al-Shabaab ay habeenkii ka fuliso degmada ay khalkhal galiyeen dadweynaha, wuxuuna ugu baaqay shacabka in ay si buuxda ula shaqeeyaan ciidamada ammaanka.

“Xaafadaha degmada kama jirin wax kormeer ah habeenkii waana sababta ay kooxdani dhibaato u kicinaysay mar walba,” ayuu u sheegay Sabahi. “Al-Shabaab waa musiibo waxaanan hadda helnay dawadeedii maadaama ay xukuumaddu ciidamo ku filan u soo dirtay degmada.”

“Waxaan shacabka ugu baaqayaa inay la shaqeeyaan ciidamada dawladda si aan u helno ammaan la isku hallayn karo,” ayuu yidhi, isagoo raaciyay in ugu dambayntii amniga ay xukumaan shacabka caadiga ah.

“Waa shacabka kuwa dhibaatada ugu badan kala kulma al-Shabaab, marka haka cabsanina, walaalayaal, oo aan si wadajir ah uga soo horjeesanno,” ayuu yidhi Guuleed.

Nimco Maxamed, oo ah hooyo 27-jir ah oo lix carruur ah dhashay kuna nool degmada Huriwaa, ayaa sheegtay inay diyaar u tahay inay la shaqeeyso ciidamada amniga haddii ay taas micnaheedu tahay in degmadu ay ammaan noqonayso.

“Inkastoo ay xukuumaddu horay ugu fashilantay inay sugto amniga degmada Huriwaa, haddana waan ku faraxsanahay in ciidamo ammaan la keenay,” ayay u sheegtay Sabahi. “Dhinaceenna, waxaan isku dayaynaa inaan caawinno intii aan awoodno si ay ugu guulaystaan inay amniga sugaan.”

Nimco ayaa sheegtay in ciidamada amniga ay si fiican u baarayaan aqal walba oo degmada ku yaal iyo baabuurta shacabka. “Hawgalka baadhitaanka kuma uusan yeelan saameeyn [xun] dhaqdhaqaaqa dadweynaha, ganacsiga, waxbarashada iyo xarumaha caafimaadka,” ayay tidhi.

Dadka deggan Huriwaa ayaa mar kale rajadii ku soo noqotay taniyo intii ay xukuumaddu bilowday hawlgalkeeda ammaan, ayay tidhi Yasmin Cabdi, oo ah hooyo 31-jir ah leh saddex carruur ah.

“Haddii uu cudurku daawo leeyahay, ma wanaagsana in la sugo,” ayay u sheegtay Sabahi. “Al-Shabaab waa in si firfircoon loo jabiyaa. Haddii aan khatartooda laga hortagin oo taa baddalkeeda aan sugno illaa ay dhibaato ka sameeyaan, ma noqonayso [mid waxtar leh].”

“Sidaas darteed, waxaan kula talin lahaa ciidamada cusub oo loo soo diray degmada inay sii joogaan degmada xittaa haddii ay xaaladda amnigu soo fiicnaato si ay shacabka ugu beeraan kalsoni, sababtoo ah al-Shabaab si sahlan kuma dhimanayso,” ayay tidhi.

Qorsheyaal amni oo mustaqbalka fog ah oo socda

Faysal Cabdi, oo ah 26-jir deggan degmada Huriwaa oo maamulka ganacsiga ka barta Jaamacadda Muqdisho, ayaa ciidamada dhowaan la keenay u arka akhbaar wanaagsan, laakiin waa haddii ay joogayaan oo amniga degmada muddo dheer sugaan, ayuu yidhi.

“Jawaabta xukuumadda waa tallaabo wanaagsan, laakiin su’aasha iswaydiinta mudan waa haddii ay ciidamadan ammaanku awood u leeyihiin inay nabadda iyo amniga Huriwaa sugayaan si joogto ah,” ayuu u sheegay Sabahi.

“Waxaan marar badan aragnay in ciidamada dawladda meel loo diro markii ay dhibaato dhacdo kaliya wayna ka tagaan wax yar ka dib,” ayuu yidhi Cabdi. “Waa inay dawladdu xal kan ka wanaagsan la timaadaa si ay shacabku kalsooni uga qabaan [amnigooda].”

Cusmaan, afhayeenka maamulka Benaadir, ayaa sheegay in mas’uuliyiinta dawladda ee heer maxalli iyo heer federaalba ay si dhab ah uga wada shaqeeynayaan in ay abuuraan qorsheyaal amni oo mustaqbalka dheer ah oo waara, sida in la sameeyo guddiyaal amni oo heer degmo ah.

Dadaalkani wuxuu qeyb ka yahay qorshe weyn oo oo amni oo uu shaaciyay Ra’iisul Wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed Talaadadii (25-kii February) kaasoo dhigaya in degmo walba oo Muqdisho ah ay yeelaan doonto guddi isku dhaf ah oo ay hoggaaminayaan wasiirro kana kooban xildhibaano, mas’uuliyiin degmo, xubnaha shacabka iyo bulshada rayadka, hoggaamiye-diimeedyo, iyo ciidamada amniga.

Ra’iisul-wasaaraha qorshihiisa waxaa ka mid ah talo ka timid maamulka Banaadir oo ah in wasiirrada loo xil saaray in ay hagaan guddiyada ammaanka degmooyinka ay degaan ahaan u guuraan degmooyinka loo xil-saaray.

“Fikradda ma aha in wasiirrada ay ka qayb-galaan kulan ama munaasabad ka dhacda degmada loo xil-saaray, ka dibna ay iska tagaan. Qorshaha waa in wasiir kasta uu degmada loo xil-saaray dego,” ayuu yidhi Cusmaan.

“In wasiirrada iyo xubnaha baarlamaanka ay ka qayb qaataan ololayaasha amniga si shacabka loo baro mas’uuliyadda ka saaran dhanka ammaanka waxa ay saameeyn weyn ku yeelaneeysaa horumarinta amniga muwaadiniinta deggan gobolkan,” ayuu u sheegay Sabahi, isagoo ku daray in arkidda madaxda sare ee maamulka oo maalin walba dhex galaya shacabka ay noqoneysa mid u “fiican” amniga.

Xogta warkaan: Sabahionline

1 COMMENT

  1. asalamcalekm/ dadweynow kaca wadanku waa wadankiini, wax idin bedelayan majiro naftu maalinti lagu tala galay ayey go,aysaa
    waxaa lagu mahmaha(huud -huud haf ayaa ka roon.) intii aan silic iyo saxriir iyo wel wel aad ku noolaan laheyden waxaa idiin dhanta in aad hal mar shahiid ku dhimataan.
    ninkii loogu soo gala gurigiis ama wadankiis in uu ika dhiciyo cadawag xaq ayuu u leeyahay waadana ku jina tegeysan sababtoo ah xaqiina ayaa u dirireysaan.
    waxaan ognahay in reerkiiba shacabka somaliye hal qof shabab ka yahay. hadii reerku sheego qofii ay ku tuhmaan in uu shabab yahay ha sheegaan. hooyad waa in ay sheegtaa ninkeeda ama ilmaheeda haday ku tuhunto in u shabab ka tirsan yahay
    Odaygu waa sidoo kale,waa in uu sheega xaaskiisa hadey ka tirsantaha nabadiika iyo ilmahiisab iyo darska iyo wax ale wixii u ku tuhmaayo in ay yihiin dadkaas ,sidoo kale waa in ay soo sheegto xaafadii ay ku tuhmeys in qof shabab ah ku dhumalesanyso.laguma jiri karo hoyaad la.aan iyo harsi la.aan wel. wel iyo walbahaar .walalayaa dhibku idink ayuu idnku dhacay dowlada iyo cidamad amniga ku dhici maayo .waa la shaqeysan la.ayahay waa la hurdi la.ayahay waa la harsan la.ahay ,
    haddii aadan kicinina shacabkoow waxaad ku jireysaan dhuli iyo walabahar,
    marka waxaa dhaant in aad hal mar dhimato adigoo xaqaada ku shaiidaa.qof walib waxuu heysto ha ku dagaalo ilahay ayaa idinka guulsiinaye

    wasalamcleykum

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here