Warbixin: Doorashada Soomaaliya oo dib u dhacay & Mucaaradka oo ku baaqay

gudiga-doorashada-dalkaWarar soo baxay ayaa sheegaya in markale ay dib u dhacday doorashadii Baarlamaanka iyo Madaxweynaha Soomaaliya, kadib markii lagu guul dareystay jadwalkii loo dajiyay bilaabida doorashada aqalka hoose iyo waliba dhameystirka doorashada aqalka sare oo shalay ku beegneyd.

Guddiga doorashada ayaa ilaa maanta oo isniin ah taariikhduna tahay 9/26/2016 dib u dhigay shir jaraa’id oo ay ku shaacin doonaan dib u dhaca doorashada iyo waliba jadwalka cusub.

Mucaaradka Doowlada ayaa arintaan ku tilmaamay nasiib xumo, waxeeyna Guddiga ugu baaqeen in uu is casilo.

Halkaan ka dhagayso warbixinta oo dhameystiran:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here