Warbixin: Doorashada Puntland oo goordhow bilabaneysa

doorashopuntland_
doorashopuntland_

Waxaa saacada yar kaddib magaalada Garowe lagu dooran doonaa madaxweynaha Puntland.

Madaxweyne Cabdiraxman Sheekh Maxamad Faroole ayaa doonayo in dib loo soo doorto mar kale.

Waxaa tartan culus ku hayo 10 musharrax oo kale oo uu ku jiro Cabdiweli Maxamad Gaas, oo horey ra’iisalwasaare uga soo noqday dowladdii KMG ee Soomaaliya.

Ammaanka Garowe

Xubnaha baarlamaanka Puntland oo 66 xubnood ah ayaa dooranayo madaxweynaha.

Waxaa la adkeeyay ammaanka Garowe, maagalo madaxda Puntland, ka hor doorashada.

Guddoomiyaha guddiga doorashada Puntland Saadiq Garaad Abshir ayaa sheegay in dhammaan musharrixiinta ay saxiixi doonaan ballaan qaad ah inay aqbali doonaan natiijada haddii laga guulaysto.

Tan iyo markii la aasaasay Puntland 1998, waxaa ka jiray xasilooni marka la barbardhigo gobollada koonfureed ee Soomaaliya.

Qaab qabiil

Balse Kooxda Xasaradaha Caalamiga ee ICG ayaa ka digaysa in doorashadan Puntland ay dadka degaanka u kala qeybin karto qaab qabiil.

Doorashadan ayaa la filayay in la qabto bishii 7-aad ee July, balse dib ayaa loo dhigay, iyadoo mas’uuliyiinta ay xilligaas sheegeen in gobolka uu qalalaase halis ugu jiray.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here