Warbixin: Doorashada Dowlada Somalia iyo dareenka dadweynaha


Shacabka Soomaaliyeed ayaa ee ku nool dibada iyo gudaha gaar ahaan magaalada Muqdisho ayaa si gaar ah isha ugu haya dhaq dhaqaaqa siyaasadeed ee haatana ka socda caasimada.

Iyadoo 2 maalin ay ka harsantahay doorashada gudoomiyaha baarlamaanka iyo ku xigeenadiisa ayaa waxaa socda olole ay musharaxiinta ugu jiraan sidii ay loobi siyaasadeed iyo xusul duub ugu gali lahaayeen jagooyinka banaan ee loo tartamayo.

Gudoonka baarlamaanka waxaa isu soo sharaxay siyaasiyiin caan ah oo ay ka mid yihiin dad horay xilal uga soo qabtay dalka, waxaa ka mid ah Dr. Cali Qaliif Galeydh, iyo Prof. Jurille oo marar kala duwan wasiiro kasoo noqday.

Dadka magaalada Muqdisho ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay doorahada baarlamaanka iyo tan madaxweynaha oo maalmaha yar ee fooda nagu soo haya lagu wado in ay ka dhacdo.

Gudoomiyaha baarlamaanka waxa la filayey in doorashadiidu ay dhacdo 26-ka, balse war xalay kasoo baxay gudiga doorashada ayaa lagu iclaamiyey in doorashada ay dib ugu dhacday 28-ka.

Dadka qaar ayaa sheegaya in tani ay uga dhigantahay horumar maadaama doorashada gudoomiyaha baarlamaanka iyo ku xigeenadiisa iyo tan madaxweynaha ay ka dhaceyso caasimada Soomaaliya ee Muqdisho.

Qaar kale ayaa sheegaya in ay keeni karto doorashooyinkaan dhibaatooyin iyo cawaaqibyo xaga siyaasada ah, hadii ay beesha caalamka la kala saftaan siyaasiyiinta Soomaalida.

Arinta aadka u kacsan ayaa ah qas ay sameeyeen gudiga farsamada soo xulista baarlamaanka oo dib u celiyey inti badneyd xildhibaanada baarlamaanka u gali lahaa beesha Hawiye iyo qaar uu watay madaxweynaha.

Xildhibaanadaasi waxa ay ka koobnaayeen 64, waxaase waqrqadahooda helay qaar aan badneyn kadib dadaalo diblamaasiyadeed oo uu madaxwqeynaha sameeyey iyo kulamo uu la qaatay madaxda beesha caalamka.

Waxaa maqan oo aanan baarlamaanka soo galin qaar badan oo caan ah, hase yeeshee waxa ay wali qabaan rajada ah in ay soo galaan baarlamaanka.

Maqnahaashaha xildhibaanada maqan ayaa keentay in dib loo dhigo doorashada gudoomiyaha baarlamaanka oo dhici laheyd maalinta berito ah, sababtoo ah sharci ma ahan arintaasi.

Si kastaba ha ahaatee, dhalinyaro badan oo ku nool Muqdisho isla markaana aanan waligood indhaha saarin olole doorasho 21-ki sano ee lasoo dhaafay, ayaa waxaa  ay haatan arkayaan boorarka iyo gaadiidka sawirada musharixiinta u baratamaya xilalka maran ee gudoonka baarlamaanka iyo madaxweynaha.

1 COMMENT

Leave a Reply to شات كامات Cancel reply

Please enter your comment!
Please enter your name here