Warbixin: Dekeda Muqdisho oo maalinkii 3-aad xiran

Dekeda MuqdishoDekeda weyn ee Muqdisho oo ah Dekeda ugu weyn dalka Soomaaliya islamarkaasina dhaqaalaha ugu badan uu kasoo galo Doowlada hada jirta, ayaa xiran maalinkii 3-aad oo xiriir ah, kadib markii muran dhinac maaliyadda soo dhex galay Shirkad laga leeyahay dalka Turkig oo lagu magacaabo PGM iyo ganacsatada alaabaha kala duwan kala soo degta dekedda.

Khilaafka ayaa yimid markii shirkadda PGM ee la socodka tayeynta iyo raashinka ka soo dega dekedda ku soo rogtay ganacsatada u raran maraakiibta inay bixiyaan halkii markab boqol kun oo Dollarka Mareykanka isla markaana halkii Kunteenar lagu cashuuri doono 70 Dollar.

Sida uu inoo xaqiijiyay mid ka mid ah ganacsatada Magaalada Muqdisho muddo labo maalmood ah wax ka soo degay dekedda ama wax laga dhoofiyay midna ma jirto, waxaana taagan is mari waaga ku saabsan lacagaha tirada badan ee shirkadda soo rogtay.

Ganacsatada waxay leeyihiin lacagtaas tirada badan waxaa kaloo sii dheer lacagaha wasaaradda Maaliyadda ee cashuura dalka iyo lacag ay qaado Shirkadda gacanta ku heysa Dekeda ee Al-Beyrak, intaas marka la isku daro ma awoodaan inay lacago tiro badan bixiyaan.

Is mariga waaga u dhaxeeya Ganacstada iyo Shirkadda PGM ayaa la gaarsiiyay Madaxda dowladda, mana jirto wax war ah oo ay ka soo saareen dhibaatada ka taagan Dekeda Muqdisho.

Dekedaha kale ee dalka dhibka mala qabaan tan Muqdisho?

Sida la wada ogyahay Dalka Soomaaliya oo leh Xeebta ugu dheer Qaarada Afrika, waxa uu leeyahay Dhowr Dekad oo Caalami ah, sida Dekeda Muqdisho, Berbera,Boosaaso, Kismaayo iyo Baraawe, balse DF ayaa hada maamusha oo gacanta ku haysa Dekeda Muqdisho oo kaliya, halka Dekadaha kale ay maamulaan maamul qabiileedyo.

Dekeda Kismaayo iyada waxaaba maamula oo dhaqaalaha kasoo xarooda 70% qaata ciidamada Kenya iyo kuwa Itoobiya ee halkaas ku sugan.

Mid ka mid ah maraakiibtii ku xirneyd Dekeda ayaa la sheegay in maanta u shiraacday Dekeda Kismaayo, waxaana Ganacsatada u raran maraakiibta taagan Dekeda ay ku goodiyeen in maraakiibtooda u weecinayaan dekedaha kale hadii arrinta taagan si deg deg ah wax looga qaban waayo.

Ganacsatada Gobolka Banaadir ayaa faah faahin ka bixiyay dhibaatooyinka ka jira Dekeda oo isugu jira kuwa horay u soo jiitamayay iyo kuwa cusub oo dhowaan soo kordhay, kaasoo ah mid u gaar ah Dekeda Muqdisho kaliya oo aanay la qabin Dekedaha kale.
Hadaba waxaa halkan idin ku soo gudbineynaa War saxaafadeed ka soo baxay Dallada Ganacsatada Gobolka Banaadir.

Ujeeddo : Cabasho culays ka jira Dakadda Muqdisho

Kadib bur burkii dowladii dhexe ee Soomaaliya, ganacsatada Soomaaliyeed waxay ahaayeen lafdhabarka dhaqaale ee dalka, waxaana ku tiirsan nolosha dhaqaale ee dhamaan bulshada Soomaaliyeed. waxaan shaki ku jirin in Ganacsatada Gobolka banadir, Si gaar ah, ay yihiin canshuur bixiyeyaasha ugu badan dhamman ganacsata Somaaliyeed.

Canshuuraha iyo Qarashaadka ay ganacsatada gobolka banaadir ku bixiyaan Dekadda Muqdisho waxa ka mid ah

Canshuurta soo dajinta iyo dhoofinta
Canshuurta macaashul macaashka oo ah 5% Canshuurta kor ku xusan
Adeega Wasaaradda Dekadaha
Faranka Bollo
turubataariyo
Nabadsugidda
Shirkadda Albayrak
Dhammaan canshuurahaas iyo qarashaadkaas waa kuwo intooda badan ayna nala qabin ganacsatada gobolada kale ee dalka iyo kuwa dalalka darisk ahba, khaasna ku ah ganacsatada gobolka banadir ayadoo waliba ayna inta badan lacagahaasi marin systemka dowlada lakiin huwan shaati dowladeed.

Ganacsata Gobolka banaadir waxay ka cabanaan culaysyo hor leh oo soo kordhay ayadoo dakaddii muqdisho isu badashay meel cid kasa hunguri ka galo una soo shaqo tagtay, lana timid Qandaraasyo la magac baxday “II DUL SAAR” oo dhamaan ayna dan ugu jirin dowladda iyo shacabka Soomaliyeed, ayna ku danaystaan shakhsiyaad isku xiran oo ku raadinaya qaab dowladeed.

Mashaariicdaas guracan waxa ka mid ah:

Kan ay wadato shirkadda PGM oo ah in container kasta oo kasoo dagayo kana baxayo Dakadda muqdisho laga qaado $70.00
kan ay wadato shirkadda SomaTex ee loo bixiyay dakadda Qalalan
miisaanka yaalla dakadda Muqdisho ee lagu miisaamayo alaab ka timid suuqyo caalami ah oo culayskooda la yaqaano.
Culaysyadaan waxay sababeen sicir barar ku yimid badeecada kasoo dagta Dekedda Muqdisho oo la tartami wayday middda kasoo dagta dakadaha kale ee wadanka ayadoo badeecadii dhaafi wayday labada control ee magaalada Muqdisho oo ayaga laftooda noqday checkpoints lacago badan lagu qaado.

Waxay ganacsatada Gobolka Banadir soo jeedinayaan oo ay codsanayaan in si degdeg ah wax looga qabto arimaha aan soo sheegnay oo saamayn wayn ku yeelashay nolosha dadka soomaaliyeed ee danyarta ah gaar ahaan gobolka Banadir.

Mahadsanidiin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here