Warbixin: Culimo taageersan Al Shabab oo ku taliyey in ifka laga qariyo qaar ka mid ah culimada Soomaaliyeed

Mid ka mid ah raga ugu sareeyo culimada taageersan Xarakada Al Shabab ayaa ku taliyey in la laayo qaar ka mid ah culimada ugu caansan dalka Soomaaliya.

 

Sheekh Xasaan Xuseyn Aadan oo ka mid ah culimada ugu cad cad ee aadka u taageersan Al Shabab ayaa isaga oo muxaadaro ka jeediyey gobolka Shabeelaha Hoose waxa uu ka hadlay arimo dhowr ah oo ku saabsan hadalo maalmihi lasoo dhaafay soo baxayey oo ku meerysanayey qadiyada culimada Soomaaliyeed kasoo horjeeda fikirka AL Shabab iyo kuwa taageersan.

 

Sheekhaan ayaa sheegay in la joogo waqti aad u dhib badan dadkuna culimaduna ay bilowday in ay isku qaldaan masa,looyinka dadaalka u baahan iyo kuwa mar hore la sugay ee diiniga, sidoo kale ay jiraan culimo si qaldan u iftoodo taasi oo qalad ku ah buu yiri diinta islaamka.

Mar uu ka hadlay dilki Dr Axmed Xaaji C/raxmaan oo todobaadki hore lagu dilay magaalada Boosaaso ayuu beeniyey in Al Shabab ay ka danbeeyaan isaga oo sheegay in aysan jirin sabab diktoorkaasi qaaliga ahaa ay u dilaan.

“Dr Axmed Xaaji C/raxmaan Al Shabab ma dilin, hadii wax la dilaayo hala laayo culimada u baahan in dadka laga hor wareejiyo, waa kuwa baneystay in ay gaalada la saftaan ee mas,alooyinka qaldan dadka u sheegaya,” ayuu yiri.

Dhanka kale Sheekh Xasaan oo ka mid ah culimadi ka qeybgashay shirki Baydhabo ka dhacay dhawaan ayaa ugu baaqay dhalinyarada u dagaalanta Al Shabab in aysan ku fududaan dilka qof muslim ah.

“Dhalinyarada mujaahidiinta waxaan leeyahay ma banaana in la daadiyo dhiig muslim, waa in aysan ku qaldamin arintaasi waxay u baahantahay in meelo badan laga fiiriyo,” ayuu yiri Sheekhaan.

Hadalkaan ayaa kusoo beegmaya maalin kadib marki uu Sheekh Xasan Takar oo ka mid ah culimada ugu sareysa ee aadka u taageersan Al Shabab uu sheegay in Culimada ka tirsan Ictisaamka in ay ka baxeen safka Islaamka hada kadibna uu ka dhaxeeyo dagaal.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com