Dhageyso: Warbixin Soomaaliland oo dib u fasaxday duulimaadyada QM

Xukuumadda Somaliland ayaa maanta xayiraaddii ka qaaday duulimaadyadii Qaramada Midoobay kadib heshiiskii dhowana lagu gaaray magaalada Istanbul oo lagu heshiiyey in guddi wadajir ah oo hawada maamula la sameeyo kaasi oo saldhiggiisu noqon doono magaalada Hargaysa.

Bilahaan u danbeeyay ayaa waxaa dood iyo ismari waa badan ka taagnaa maamulida Hawada Sare ee Soomaaliya, kadib markii QM oo gacanta ku haysay ay ku wareejisay DFS, hase ahaatee arintaas waxaa gaashaanka u daruuray Somaliland iyadoona xanibtay isku socodkii duulimaadyada QM, waxaa se ismari waagaas soo afjaray heshiiskii dhawaan labada dhinac ay ku gaareen dalka Turkiga, kaasoo qodobka kasoo baxay shirkaas uu ahaa hanaanka loo galayo maamulida Hawada.

Maxamuud Xaashi Cabdi Wasiirka Gaadiidka Duulista Hawada maamulka Soomaaliland ayaa la weydiiyey waxa isbedelay ee keenay iney dib markale u ogolaadaan Duulimaayada Diyaaradaha Qaramada Midoobay,wuxuuna u aaneeyey 2 qodob oo uu sheegay iney tixgaliyeen.

“Annagu maanta waxaan dooneynaa inaan niyad-sami ku galno heshiiskii Turkiga ee aan la galnay walaalaha Soomaaliya,waxaan rabnaa in bog cusub la furo,waxaan kaloo garawsannay in Qaramada Midoobay ay dalka ka waday hawlo aadaninimo si aan taa u dhiiri galino iyane qayb ayey ka tahay sababaha aan dib ugu fasaxnay Duulimaadyada Qaramada Midoobay” ayuu yiri Maxamuud Xaashi Cabdi.

Wasiirka Duulista Soomaaliland ayaa ku sheegay heshiiska ay magaalada Istanbuul ku kala saxiixdeen dowladda Soomaaliya iyo maamulka Soomaaliland inuu ahaa mid sax ah oo u danaynaya Maslaxadda labada dhinac,wuxuuna tilmaamay in heshiiska laga gaaray maamulka Hawadu uu horseedi doono nabadgalyo iyo inuu saansaan wanaagsan u yahay in Soomaalidu ay wax ku heshiin karaan.

Wasiirka ayaa dhanka kale ka hadlay goorta sida rasmiga ah Hargeysa looga furayo xafiiska laga maamulayo hawada Soomaaliya,wuxuuna yiri isagoo ka hadlaya arimahaasi.

“Waxaan rabnaa Marka ay dhammaato bisha Barakaysan ee Ramadaan  inaan xiriiro  3 geesood ka wada Samayno arimahaas,Annaga,dowladda Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay,waxaan cadaynayaa in Sanadka 2014 bishiisa Koowaad in maamulka hawada Soomaaliya uu kusoo wareegi doono gacan Soomaaliyeed”sidaasi waxaa yiri wasiirka Duulista hawada maamulka Soomaaliland Maxamuud xaashi Cabdi.

Halkaan ka dhagayso codka wasiirka:

[powerpress: url=”https://midnimo.comm/wp-content/uploads/2013/07/somaliland.mp3″]

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here