Warbixin: Codbixinta Aftida UK ee Midowga Yurub oo Billaabatay

f6b0e8b2-886b-4b7b-8620-e8db3bfaecbf_1000Dalka Britain ayaa waxaa maanta ka billowday codbixin taariikhi ah, taasi oo dhammaadka maanta go’aan ka gaari doonta in Britain ay kasii mid ahaato Midowga Yurub iyo in kale.

Ayada oo codbixiyayaasha ay u dareereen goobaha codbixinta ayaa codadka ra’yiga ah waxa ay muujinayaan in go’aanka uu dhinac kasta u dhici doono oo aan la saadaalin karin.

Soo bixitaanka dadka codeynaya ayaa la filayaa inuu noqoto mid aad u sareeya, taasi oo soo geba gebeyn doonto laba bil oo olole xooggan ah, oo inta badan diiradda lagu saaray arrimaha socdaalka.

Ra’iisul wasaare David Cameroon ayaa hoggaaminaya baaqyada ku saabsan in Britain ay kasii mid ahaato Midowga Yurub.

e003b2f2-0dbf-4cbc-ae44-2c714792a3c5

Baaqiisii ugu dambeeyey oo uu maanta u jeediyey dad codbixiyayaal ah, ayaa waxa uu ku yiri “Waxaan nahay kuwa xooggan, kuwa wanaagsan haddii aan kasii mid ahaano Midowga Yurub”.

f6b0e8b2-886b-4b7b-8620-e8db3bfaecbf_1000

Cameroon iyo dadka kale ee kasoo horjeeda Brexit (Ka bixitaanka Britain ee Midowga Yurub) ayaa ku doodaya in dhaqaalah Britain uu dhaawac xooggan gaari doono haddii ay ka baxdo Ururka Midowga Yurub ee ka kooban 28-ka dal.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here