Warbixin: Ciidamo Boolis ah oo caawa la wareegay amaanka guud ahaan xarumaha ay Turkiga ka daganyihiin Muqdisho

Dowlada KMG Soomaaliya ayaa caawa si lama filaan ah ugala wareegtay amniga xarumaha Hey’adaha ka socda dalka Turkiga ilaaladi hore iyada oo ku badashay ciidamo boolis ah.

Xarumaha hey’adaha kala duwan ee Turkiga ayaa waxaa siyaabo kala duwan u waardiyeen jiray ciidamo lagu keenay hab beeleed oo waafqasanaa sharciyada ka jira degmooyinka ay hey’adabi ka shaqeyn jirtay.

Waardiyaashaasi oo marki hore ku yimid dooqa milkiilayaasha gaadiidka ay ka kireystaan Hey’adaha Turkiga ayaa ku qaadan jiray sugida amaanka lacago ka badan kuwa ay qaataan ciidanka dowladda KMG Soomaaliya.

Hase yeeshee arrin la yaab leh ayaa mar qura maqribnimadi caawa ka dhacday guud ahaan xarumaha Turkiga ay ku leeyihiin Muqdisho, iyadoo dowlada ay si lama filaan ah u keentay ciidamo boolis ah kadibna amaankii kala wareegtay ciidamadi horay u joogay.

Ilo wareedyo aan ku kalsoonahay oo ku dhaw dhaw labada dhinac, dowlada iyo safaarada Turkiga ee Muqdisho ayaa noo xaqiijiyey in maanta oo dhan ay socdeen wada hadalo ay lahaayeen wasaarada arrimaha gudaha iyo safaarada Turkiga taasi oo ku saabsaneyd Turkiga oo codsaday in waqti la siiyo.

Hase yeeshee dowlada KMG ayaa diiday kana goys adeegtay codsiga safaarada Turkiga oo ah in xitaa wax ka yar 24 saac la siiyo si ay uga fiirsato ciidamadan cusub ee amaankooda la wareegi doono.

Arrinta wal walka ku heysa hey’adaha Turkiga ayaa ah ciidamada dowlada oo aanan amniga lagu aamini karin mar hadii aanan arintaan lacago lagu siineyn, iyadoo maanka lagu hayo in xitaa ilaalada gaarka ah ee madaxda dowlada qaar lagu eedeynayo in ay ku kaceen fududeynta qaraxyo ka dhacay Muqdisho.

Arinta kale ee qatarteeda leh ayaa ah, shaqaalihi hore ee amaanka ee laga eryey shaqadoodii oo haatan meel cidla ah kusoo dhacaya noqonayana kuwo baaga muunda ah, taasi oo qatar ku noqon karta amniga.

Laakin dadka lafa gura arrimaha siyaasada ayaa waxa ay leeyihiin, tani waxa dhici karta in ay lug ku leedahay siyaasad caalami ah oo la doonayo in lagu carqaladeeyo mashaariicda ay Turkiga ka wado Soomaaliya.

Dadka qaba fikirkaan waxay leeyihiin, waxaa la doonayaa in ku lug lahaanshaha siyaasada Soomaaliya ee Turkiga ayaa ah mid si wanaagsan uga muuqato dalka isla markaana ay Soomaalida kalsooni wanaagsan siiyeen Turkiga taasi oo ay dowlado badan niyada ka jabineyso sidaasi daraadeed waxa la rabaa in Turkiga booska laga saaro.

Ilo wareedyada ayaa sheegaya in Turkiga ay aad uga baqayaan in ay qatar ku timaado amaankooda, waxaana hadii ay dhacdo in ay waxyeelo soo gaarto amniga shaqaalaha Turkiga ay keeni kartaa cadaadis dowlada uga yimaado shacabkeeda iyo xisbiyada mucaaradka oo markaasina dowlada dib uga laabato dalka.

Siyaasiyiin kale ayaa aaminsan in dowlada KMG Soomaaliya ay dooneyso in amaanka Hey’adaha Turkiga ay dooneyso in ay ka bixiso gacanta maleeshiyo beeleed wata shaararka dowlada oo lacago ku qaata sugida amaanka, taasi oo ay ku badeleyso ciidamo boolis ah oo aanan wax lacag ah ka qaadan doonin Turkiga.

Turkiga ayaa ah dalka kaliyah oo ka mid ah dalalka ugu awooda badan caalamka oo si muuqata wax ugu qabtay dadka Soomaaliyeed, iyadoo la xasuusto booqashadi uu hogaamiyaha Turkiga ku yimid Muqdisho sanadki hore taasi oo sababtay in indhaha caalamka soo eegaan Soomaaliya.

Waxaa intaasi dheer gargaarka bani,aadanimo oo ay u fidiyeen Soomaalida marki ay dhaceen macluushi iyo abaarti darneyd sanadki 2011, iyo mashaariic dib u dhis oo ay haatan ka wadaan caasimada.

Si kastaba ha ahaatee, waxaan ka war dhowreynaa sida ay arrintu noqon doonto iyo halka ay u biya shuban doonto.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.