Warbixin: Caasimada Soomaaliya oo ku raaxeysaneyso dib u dhiski ugu weynaa mudo sanada ah

Madaxweynihi hore ee Soomaaliya xiligi bari samaadkii Maxamed Siyad Barre ka hor inta uusan xakunka xoog loogaga dajin waxa uu bixiyey digniin aheyd inuu wadanka uga tagi doono bur bur, oo uu ka dhigi doono sidi uu ugu yimid oo aheyd hal wado oo kaliya.

Hanjabaadaasi way dhaboowday marki Madaxweyne Siyaad Barre la afganbiyey oo awoodii laga tuuray sanadki 1991, waxaa ka danbeeyey bur bur xoog leh oo caasimadi qurxaneyd soo gaaray iyo dagaalo sokeeye oo uu dhiig badani ku daatay.

21-sano kadib caasimada waxaa ka muuqanayo soo kabsasho iyo dib u dhis lagu sameynayo guryaha iyo wadooyinka, waxana ay isugu jiraan dhismooyinka xarumaha dadweynaha, kuwa dowlada iyo goobaha sida gaarka ah loo leeyahay.

Baraaruga dib u dhiska ee Muqdisho oo haatan si tartiib tartiib ah ku bilowday waxa uu balaartay marki ay Al Shabaab ka baxeen magaalada Muqdisho, mudo iminka laga joogo sideed bilood kadib dagaalo ay la galeen ciidamada AMISOM iyo kuwa dowlada KMG Soomaaliya.

Dhawaaqi rasaasta iyo madaafiicda waxaa ka tan badiyey dhawaqa burriska iyo musmaarka ee dhismaha guryaha isugu jira dabaqyada, filooyinka iyo dib u dayactirka xaafadaha.

Amaanka ayaanan wali la isku haleyn karin, laakin dadka waxay go,aansadeen in ay dib ugu laabtaan guryahooda, hada waxaa socda dib u dhiski guryihi ku bur buray dagaalada,” sidaa waxaa yiri Ahmed Sheikh Guure oo ah nin dhawaan dayactir ku sameystay tabakaayo yar oo ku taala wadada laamiga ah dhinaceeda gaar ahaan goob aad mashquul u ah.

Inkastoo ay sidaasi jirto, hadana kumanaan qoys ayaa wali ku maqan barabax, iyaga oo ku nool duleedka caasimada waxana ay ku jiraan nolol dhib badan waayo waxaa ku yar meelihi ay seexan lahaayeen iyo wixi ay cuni lahaayeen.

Meelaha sida aadka ah usii camirmaya waxaa ka mid ah Suuqa Bakaaraha oo ah kan ugu weyn ee caasimada Soomaaliya kaasi oo ay ka muuqdaan calaamado kobac dhaqaale.

Bakara bilooyin ka hor waxa uu ahaa halka ugu qatarta badan caasimada, iyadoo ay ku qasabtay ganacsato badan in ay ka cararaan iyaga oo la baqay naftooda, dad badanna waxay ku dhiiran waayeen in ay caktooda dhigaan.

Hadii burburki Soomaaliya uu soo bilowday inti lagu guda jiray sanadki 1980-aadki ilaa iyo 1991-ki, hada waxaa muuqda rajo wanaagsan oo ah in horay loo sii socdo siyaasad ahaan, dhaqaale ahaan iyo dhaqan ahaan, sida ay qabaan Soomaali aad u tira badan.

Dib u dhiska waxaa uu shaqo u abuuray dad badan oo yaqaana xirfada dhismooyinka guryaha iyo dayactirkooda kuwaasi oo ahaa shaqo la,aan.

“Ma nihin shaqo la,aan maalmaha, dib u dhiska aad ayuu usii badanayaa, afarti todobaad ama shanti todobaad waa naloo yeeraa oo waxaanu helnaa shaqo,” sidaa waxaa yiri Adan Sharif said oo ah raga ku shaqeysta rinjiyeynta guryaha.

Dib u dhiska ma u sahlana qof walbaa maxaa yeelay waa qaali, laakin kuwa wax dayactiraya waa dadka heysta lacagaha oo iska dhisaya meelaha ay rasaasta iyo madaafiicda dumiyeen.

“Inta badan dhismooyinka xaafadeena waa la habeeyey, hada xaafadu wey nuureysaa bilicduna way soo laabatay kamana muuqato raadadki dagaalka,” sidaa waxaa tiri Fadumo Moalim, oo ah hooyo leh sideed caruur ah oo ku nool degmada Wardhigley.

Dib u dhiska Muqdisho waxay sidoo kale sababtay in uu kor u kaco qiimaha lagu kala iibsan jiray dhulka maran ee aanan dhisneyn ama guryaha dhisanba.

“Iibinta dhul ama guri magaalada Muqdisho ku yaala baryahaan aad ayey u adagtahay maxaa yeelay waxaa kor u kacay qiimaha, ganacsatu waxbay gadanayaan walina cabsi ayaa ku jirta maxaa yeelay dagaaladi wali ma dhamaan,” sidaa waxaa yiri Abdukadir Bashir oo ah ganacsade badeecooyinka keena.

Xigasho:  AFP

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.