Warbaahinta Reer Galbeedka oo toosh ka daba qaadatay madaxweyne Sharif

Qaar ka mid ah warbaahinta caalamiga ah ee dalalka Galbeedka ayaa kala dhax baxay hal qodob warbixin uu dhawaan soo saaray Kooxda Dabagalka Cunaqabteynta hubka ee Somalia iyo Eritrea.

Warbixinta oo maanta loo gudbinayo Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa ka kooban dhowr bog waxaana wax loogaga sheegayaa madaxda dowlada KMG Soomaaliya oo ay ku eedeyneyso lunsasho hantiyeed.

Laakin madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayey si gaar ah u beegsaneysaa iyaga oo kooxdaan ku eedeeyey Shariifka qodobo kala duwan oo qatar ah, waxaa ka mid ahaa inuu baasaboorka loo yaqaano diplomatic passport uu siiyey hogaamiyaha kooxaha burcad badeeda Soomaalida.

Warka wuxuu leeyahay Maxamed Cabdi Xasan (Afweyne) uu ku aaday dibada marar badan gaar ahaan dalka Maleysia, sidoo kalana uu si nabad ah u joogi karo dalka Soomaaliya.

Kooxdaan ayaa sheegtay in ay xog ku heyso in uu madaxweyne Shariif si gaar ah u amray in baasaboorkaasi la siiyo ninkaasi burcad badeedka ah.

Warkaan ayaa waxaa saakay soo daabacay wakaalo badan iyo wargeyso kala duwan oo caalami ah oo u badan kuwa reer Galbeedka.

Sheekh Shariif ayaa shalay warka kasoo baxay kooxdan ku tilmaamay mid lagu kala qeybinayo umada Soomaaliyeed, isaga oo ugu baaqay Golaha Amaanka in madaxa kooxdaasi iyo wax la mid ah aysan Soomaaliya usoo wakiilan mar danbe.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here