Warbaahinta Mareeykanka oo daabacday in Hogaamiyaha shabaab lagu dilay weerarkii Baraawe

images (2)Shalay Subaxdii kahor Salaada Subax ayaa Ciidamada Gaarka ah ee Mariiniska Mareeykanka oo wata Diyaaradha Qumaatiga u kaca iyo dhowr Doomood, waxay Cirka iyo Dhulkaba ka weerareen Guri ku yaala Xeebta Magaalada Marka ee Gobolka Shabeelada Hoose.

Warbaahinta Mareeykanka ayaa Saakay Bogagooda hore kusoo daabacay warar kala duwan oo is qilaafsan, Wargeyska New York Timse, ayaa daabacay in weerarkii Baraawe lagu qaarijiyay Hogaamiyaha shababaab ugu sareeya Axmed Godane, oo loo yaqaan Abuu Zubeyr.

New York Times, ayaa daabacay in Mareykanka uu weerarka Baraawe shalay ka dhacay qorsheeyay Isbuuc kahor, kadib markii ay Al-shabaab sheegteen masuuliyada weerarkii lagu qaaday Xaruunta Westgate Mall oo ay ku dhinteen in kabadan 69 qof oo badankood ahaa dad cadaan ahaa.

Sarkaal saroo ka tirsan Ciidamada Mareeykanka ayaa New York Times u sheegay in weerarkaas lagu dilay Hogaamiyaha shabaab, laakiin faah faahin cad muusan ka bixin.

Xoghayaha Arimaha dibada Mareeykanka John Kerry, ayaa sheegay in howlgalada ay Ciidamadooda ka fuliyeen wadamada Libya iyo Soomaaliya ay daliil u tahay in Mareeykanka uusan marnaba joojin doonin dagaalka uu kula jiro Argagixisada.

“Kuwa markasta weerara danaha Mareeykanka marnaba ma heli doonaan meel ay ku dhuuntaan” ayuu Kerry wariyayaasha ugu sheegay wadanka Indonesia.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here