Warbaahinta dowladda iyo tan madaxa banaan oo ay ka dhex tolatay

Cabdiqaadir Faarax Dulyar waxa uu ka mid yahay wariyeyaasha caanka ah ee ka hawlgala caasimadda, kuna dheereeya faalooyinka siyaasadeed ee raadiyaha ka baxa, bar uu Facebook ku leeyahay ayuu soo dhigey qoraalkani hoose

“Sida maanta aan xam xamta ku maqlayay waxaa socda abaabul xoogan,hadii xaalku sidaan sii ahaadana waxaan ka cabsi qabaa in uu dilaaco dagaal af iyo adinba leh oo u dhexeeya Warbaahinta Dowlada iyo Saxaafadda madaxa banaan, sidaa daraadeed waxaan ku talinayaa inta wax garataahi in ay xaalkan soo faragaliyaan oo bahda meel la isugu keeno dabadeedna la daweeyo boogaha soo baxaya baryahaan danbe, MAHADSANIDIIN” ayuu soo qorey Cabdiqaadir Dulyar.

Hadalkiisa waxa uu imanayaa iyada oo labbo agaasime iyo nin farsamo yaqaan ah oo ciidamadda dowladda inta xireen jirdileen ay eedeeyeen mid ka mid ah wariyeyaasha ka hawlgala raadiyaha dowladda oo isagu la sheego in uu ka tirsanyahay ciidamadda nabad suggida.

Maxamed Xaaji Xuseen Fiyoore oo agaasime ka ah Radio Danan, Ibraahim Yare oo agaasime ka ah Radio Haatuf iyo Injineer Muxyadiin oo Radio Danan mulkiile ka ah ayaa ciidamadda dowladda u xirnaa sedex cisho, waxayna xabsiga kasoo baxeen iyagoo wajiga ka bararsan, goomanka muruxsan, islamarkaasina sheeganaya dhibaato xooggan oo jirdil ah, markii ay saxaafadda la hadleen waxa ay eedeeyeen Cabdicasiis Afrika oo Radio Muqdisho ka tirsan, kaasi oo ay sheegeen in uu soo farmuuqey.

Cabdicasiis Afrika waxaa horey u eedeeyey Cabdimaalik oo ah agaasimaha Radio Shabeelle iyo Maxamed Bashiir oo isna Shabeelle ka tirsan kuwaasi oo la xirey.

Wariyeyaasha qaarkood ayaa hadal haya in wariyeyaasha u shaqeeya dowladda ay u dhaqmayaan sidii wariyeyaashii Alshabaab ee iyagu shirqooley wariyeyaal baddan oo la diley.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here