Wararkii ugu danbeeyay Shirka Kismaayo Iyo doorashada madaxweynaha Jubaland oo soo dhow

Wararkii ugu danbeeyay ee naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ee xaruunta gobolka jubada Hoose, ayaa sheegaya in maanta magaaladalaga dareemay dhaq dhaqaaq xoogan oo ku aadan doorashada madaxweynaha maamulka Jubaland.

Maamulka KMG ah ee Kismaayo maamula, ayaa maanta shirkadaha Isgaarsiinta ku amray ineey hawada ka saaraan dhamaan taleefanada gacanta, waxaana tallaabadaan lagu micneeyay in ay soo dhawaatay doorashada madaxweynaha maamulka Jubaland oo maalmahaanba ay ku howlanaayeen Ergada ka qayb galeysa shirka Kismaayo.

Musharixiinta ugu cad-cad ayaa al sheegayaa in u yahay Shiikh Axmed Maxamed Islaan (Madobe) oo ah nin muddo u soo dagaalamey sidii al-Shabaab looga saari lahaa Kismaayo, horeyna uga mid ahaan jirey ururada islaamiyiinta, waxaa jira Musharixiin kale oo xilkaas kula tartmeysa, oo ay ka mid yihiin Shiikh Shakuul, Gen.Cali Looyaan iyo Prof.Ghandi.

Doowlada Federaalka Soomaaliya ee uu hogaamiyo madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud, ayaa horay u cadeeyay ineey kasoo horjeedaan shirka Kismaayo ka socda, waxaana ay ku tilmaamtay doowlada inuu yahay mid hareer marsan dastuurka dalka u yaala, halka maamulka Kismaayo ee shirkaan hor boodayana ay ku doodayaan ineey xaq ku taaganyihiin, islamarkaasna dastuurka ay ku qorantahay in 2 gobol iyo wixii ka badan ay samaysan karaan maamul goboleed.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

1 COMMENT

  1. Soomaalia si loo soo celiyo waa in masuuliyada ay dadku qaataan sida Jubaland kadibna wax federal ah oo states ka mid yihiin lagu heshiiyaa. Ruux muqdisho fadhiya oo booliskii muqdisho mushaarkoodii siin la in laga sugo in oo waxkasta xaliyo waa laga wanaagsanyahay.

Leave a Reply to Omar Cancel reply

Please enter your comment!
Please enter your name here