Wararkii ugu danbeeyay ee weerarkii Hotel Jaziira

Qaraxa ka dhacay Hotel Jazeera
Qaraxa ka dhacay Hotel Jazeera

Dowladda Soomaaliya ayaa ka hadashay weerarkii xaley lagu qaaday Hotelka Jazeera oo ku yaalla agagaarka garoonka diyaaradaha Aadan Cabdulle ee magaalada Muqdisho.

In ka badan 10 ayaa la xaqiijiyay in ay geeriyoodeen halka 39 kalena ay ku dhaawacmeen sida ay lee yihiin saraakiisha ciidanka iyo kuwa caafimaadka.

Taliyaha ciidamada Booliiska Soomaaliyeed Gen Cabdi xakiin Daahir Saacid oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa sheegay in qaraxyada xaley ka dhacay Hotel Jazeera la fashiliyay sida uu yiri.

Wuxuu tilmaamay in gaariga hore uu ku qarxay meel ka baxsan iridda hore ee hotelka,daqiiqado kadib mid kale uu ka qarxay goobta, waxaana la toogtay ayuu yiri labo ka mid ah kooxda weerarka soo qaaday.

Taliyaha ayaa sheegay in askar ay ku dhimatay kuwa kalena ay ku dhaawacmeen qaraxyadii xaley ka dhacay hotelka Jazeera oo ah meel ay inta badan tagaan saraakiisha dowladda iyo shisheeyaha dalka jooga.

Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay masuuliyada weerarka iyagoo war ay soo dhigeen bartooda Tweeterka ku sheegay in ay dileen saraakiil Soomaali iyo ajinabi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here