Wararkii ugu danbeeyay ee dagaalka Gaza

Waxaa maalinkii lixaad galay duqeeymaha ay Srael ku hayso marinka Gaza, shaqaalaha caafimaadka ee reer Falastiin ayaa soo warinaya in toboneeyo ruux ay maanta ku geeriyooden duqeeymaha yuhuuda ku hayso Gaza.

Caafimaadka ayaa intaas ku daran in 78 ruux oo Falastiiniyiin ah ladilay tan iyo markii ay Srael bilaawday weerarada kadhanka ah shacabka reer Falastiin, gantaaladaan ay ganayaan yuhuuda ayaa ah kuwo lala bartilmaameedsado dadka rayidka ah iyo guryahooda.

Doowlada Srael ayaa waxay sheegtay in habeenimada xalayto ahayd ay bartilmaameedsadeen 8 goobood oo kuyaalo marinka Gaza oo ay ku jiraan xaruumo Booliis islamarkaasna ay leeyihiin ururka Xamaas.

Xamaas ayaa iyagana isticmaalaya wadooyin dhulka hoostiisa mara oo ayna kaga duulayaan xuduuda Srael, Xamaas ayaa maanta oo isniin ah sheegtay ineey dhoowr gantaalo ku ganeen dhanka Srael.

Tirada dhimashada Rayidka oo korortay:

Srael ayaa saacadihii ugu danbeeyay waxa ay sii kordhiyeen duqeeymaha ay kuhayaan marinka Gaza, iaydoona tirakoobkii ugu danbeeyay ee laga helayo goobaha caafimaadka ay ku waramayaan in dhimashada maanta oo kaliya ay gaartay ilaa iyo 34 ruux oo ay ku jiraan 10 qof ooh al qoys wada ah.

Xoghayaha guud ee QM Baan Kii Moon ayaa labada dhinac kadalbaday in si degdeg ah loo joojiyo dagaalka, iyadoona lagu wado in xoghayaha uu ka qayb galo kulan kafurmaya magaalada Qaahira ee wadanka masar kaasoo looga hadlayo xaalada Gaza.

RW Srael Natanyahoo ayaa Axadii shalay sheegay in Srael ay u diyaar garoowday howlgal balaaran oo kadhan ah Gaza, waxana uu uyeeray ilaa 75 kun oo askari kana mid ah ciidamada keydka kuwaasoo lagu wado ineey ka qayb qaataan dagaal dhulka oo ay Srael ku dooneeyso ineey ku gasho gudaha Gaza.

Madaxweynaha Masar Mursi, ayaa isna dhankiisa shegay hadii Srael ay weerar dhulka ah ku qaado Gaza ineey kadhalan doonto cawaaqib xumo daran islamarkaasna marnaba masar iyo carabta xurta ah aysan aqbali doonin.

Dagaal ama heshiis:

Doowlada Masar ayaa hada ku howlan sidii loo gaari lahaa heshiis ay labada dhinac waa Xmaas iyo Srael ugaari lahaayeen, waxaana laguw adaa in wufuud labada dhinac kasocota ay soo gaaraan magaalada Qaahira halkaas oo ay kuwada hadli doonaan.

Laakiin dadka gorfeeya arimaha bariga dhexe ayaa waxay qabaan in ay jirto cabsi ah in xaalada ay circa isku shareerto kahor wada hadalada.

2 COMMENTS

  1. السلام عليكم يا اهل المسلمين ‏Waxan alle ugu baryaya umada falastiin inuu ugu hiliyo gardarada yahuuda wayo umadaha islaamka waxa lagud boon in ay iswalaashadan una gargaaran walalahoda falastiin insha allah alle ma dayacidono umada muslimka ah ee reer falastiin lkn waxan la yabanahay dalal bdn oo ka mid ah dalalka muslimka oo ka hadli kareyn xitaa wlh wayo yahuda iyo nasaarada wa cadow alle haka yeelanina saaxiibo ama sokeeye walal waxan idiin ka codsanaya inaad u hurtaan dhiigina iyo hantidiina walaala heyna reer falastiin wayo waxa ay nagu leeyihiin xaq aad uweyn walal hadaadan awoodin fadlan ugu yabooh ducada insha allah walaala yaal aan gaalada isku meyl aan ugu soo wada jeesano jazakumu laah ‎

Leave a Reply to ismaacil nuur maxamuud Cancel reply

Please enter your comment!
Please enter your name here