Wararkii ugu danbeeyay dagaalada Kismaayo

Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in saakay xaalada ay tahay mid dagan, islamarkaasina aanu jirin wax dagaalo ah.

Inkastoo dagaalo aanu jirin, hadana dadka deegaanka ayaa warbaahinta usheegay ineey is hor fadhiyaan kooxihii shalay halkaas ku dagaalamay, islamarkaasina ay jiraan hub urursi iyo gurmad soo gaaraya labada dhinac.

Masuuliyiin katirsan doowlada Soomaaliya oo uu ugu horeeyo Ra’iisulwasaare Saacid, oo shalay ka hadlay dagaalkan ka qarxay Kismaayo ayaa aad u canbaareeyay, waxa uuna labada dhinac ugu baaqay ineey joojiyaan dagaalka nabaddana ay ka shaqeeyaan.

Sidoo kale wasiirka arimaha gudaha xukuumada Federaalka Soomaaliya, C/kariin Xuseen Guuleed, ayaa ku baaqay in lajoojiyo dagaalka.

Dagaalka Kismaayo ayaa ku soo aaday xili shalay qaban qaabo xoogan ay halkaas ka socotay, iyadoo lagu waday in halkaasi uu ka dhaco shir ujeedkiisu ahaa maamul usamaynta Jubooyinka.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here