Wararkii Ugu Danbeeyay Caawa jowhar iyo Bandow Saaran Magaalada

Wararkii ugu danbeeyay ee Caawa naga soo gaarayo magaalada jowhar waxa ay sheegayaan in caawa magaalada Bandow ay tahay islamarkaana kaliya magaalada ay dhexmushaaxayaan ciidamada dowlada Soomaaliya oo raxan raxo u socda.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi waxa ay ku darayaan in shacabka salaadii maqrib ka dib ay guryahooda isaga xaroodeen ka dib markii ay cabsi xoogan ay soo foodsaartay.

Magaalada ayaa gabi ahaanba waxaa xiran goobihii ganacsiga,waxaa hakad ku jira isku socodkii gaadiidka iyo dadweynaha oo xaafadaha magaalada ka shaqeynayay.

Dhanka kale waxaa faafaahino dheeraad ah ay ka soo baxayaan qaraxyo maanta ka dhacay magaalada jowhar oo waxyeelo ay ka soo gaartay carruur yar yar oo isku dayay in ay ku cayaaraan.

Waxaa la soo sheegayaa in inta la ogyahay in ilaa iyo iminka 3Carruur ah ay waxyeelo ay ka soo gaartay iyadoo dhanka kale goobihii ay ka dhaceen qaraxyada durbadiiba ay siku gadaameen ciidamada dolwada Soomaaliya oo baaritaano ka sameeyay goobta ay qaraxyada ay ka dhaceen.

Ugu danbeyntii caawa jowhar xaaladeeda waxa ay tahay mid degan islamarkaana ma jiraan wax dhibaato ah oo la soo sheegayo.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here