Wararkii ugu dambeyey Duqeyn loogeystay Xubno Shabaab ah Gobolka J/Dhexe

Duqeyn milatariShalay Isniintii ayaa gelinkeedii dambe waxa duqeyn diyaaradeed laga fuliyey deegaano ku dhaw Degamda Saakoow ee Gobolka Jubada Dhexe Koonfurta Soomaaliya.

Diyaaradaha duqeynta fuliyey si rasmi ah looma sheegin meesha laga leeyahay waxaase warar hordhac ah ay tibaaxeen in Mareykanka diyaaradihiisa geysteen duqeyntaasi.

Wararka qaar ayaa sheegaya in la bartilmaameedsaday meel uu kusugnaa Fu’aad Maxamed Khalaf (Shongole) oo ka mid ah Saraakiisha ugu magaca weyn Al Shabaab Mareykankana uu hore lacago malaayiin Dollar ah raq iyo ruuxdiisa dul dhigay.

Duqeynta khasaaraha ka dhashay weli si cad looma sheegi karo inta uu gaarsiisan yahay,mana jirto wax war ah oo kasoo baxay Shabaab oo ku aadan duqeyntaasi ka dhacday Gobolka ay kataliyaan ee Jubada Dhexe.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here