Wararkii ugu dambeeyey Qarax Duhurnimadii ka dhacay Muqdisho

10660340_740329999385603_2097611746019674202_nSida aan akhristayaasheena hore ugu sheegnay qarax ayaa duhurnimadii waxa uu ka dhacay Agagaarka Isgoyska KM4 ee magaalada Muqdisho,waxaana lala eegtay Gaari ay leedahay mid ka mid ah Shirkadaha ka howlgala Muqdisho.

Qaraxa ayaa waxa uu ahaa mid gaariga lagu sii xiray iyadoona lasoo sheegayo in hal qof uu ku dhintay halka labo ruux ay kudhaawacmeen sida dad goob joogayaal ah inoo sheegeen.

Qofka dhintay ayaa waxa uu la socday gaariga la qarxiyey waxaana halkaasi gaaray ciidan katirsan Kuwa Nabad Sugida oo dadka iyo gaadiidka diiday inay maraan wadada Maka Al Mukarama Magaalada Muqdisho.

Qaraxa ayaa lala eegtay gaari ay leedahay Shirkada Duuliimaadka ee Daimond Travel Agency.

Weli ma jirto cid sheegatay mas’uuliyada weerarkii qarax ee duhurnimadii ka dhacay Isgoyska Taleex ee Magaalada Muqdisho inkastoo Taliyaha Saldhiga Booliska Degmada Hodan Korneel Maxamed Daahir uu sheegay inay baaritaano wadaan.

Wixii kasoo kordho qaraxaasi din kala socda Insha allaah

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here