wararkii Ugu Dambeeyey ee Xarakada Al-shabaab oo isaga Baxay Ceelbuur

Warar lagu kalsoon yahay oo naga soo gaaraya degmada Ceel-buur oo gobbolka Galgaduud bartamaha Soomaaliya ayaa waxa ay sheegayaan saaka in Ceel-buur uusan ka jirin wax maamul ah oo halkaasi ka arriminaya.

Dagaalyahannada Alshabaab ayaa lagu soo warramayaa in ay isaga baxeen magaalada Ceel-buur oo ay gebigeedba faarujiyeen.Wariyaha Midnimo.com ee gobollada dhexe ayaa waxaa uu soo sheegayaa in Alshabaab ay banneeyeen degmada Ceel-buur oo ay ka talinayeen waxa uuna intaa ku daray in Alshabaab ay isaga baxeen magaalada isaga oo shaaca ka qaaday in wax ciidamo ah oo Alshabaab iyo kuwa kaleba aysan ku sugneyn magaaladaasi.

Maamulka Culuma’Awdiinka Ahlu Sunna Waljamaaca ee gobollada dhexe oo qadka telefoonka aan kula xarirnay ayaa inoo sheegin wax faahfaahin ah oo ku aadan ka bixitaanka Shabaab ee Ceel-buur, waxaase uu xaqiijiyay in ciidanka Ahlu Sunna Waljamaaca saacadah na soo aadan ay ku wajahan yihiin magaaladaasi Ceel-buur.

Dhinaca kale ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Alshabaab kaasi oo ku aadan ka bixitaanka ciidamadooda ee Ceel-buur, waxaase degmada saacadaha soo socda lga cabsi qabaa in magaalada ay gahsay xaalad Qatar ah oo millateri.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here