Wararkii ugu dambeeyey ee xaalada degmada Garbaharey oo dagaalo shalay ka dhaceen

Wararka ka imanaya degmada Garbahaarey ee xarunta gobolka Gedo ayaa sheegaya in xaalada degmada Garbahrey ay degen tahay kadib markii shalay uu ka dhacay iskahorimaad dhex maray ciidamada dowlada iyo ururka Alshabaab.

Dagaaladii shalay ka dhacay degmada Garbahaarey ayaa ahaa qaar ka dhacay duleedka degmada sida uu sheegay taliyaha ciidamada degmada Garbaharey Jamal Xasan Farey.

Dagaalka ayaa waxa uu ahaa mid yimid kadib markii madaafiic lagu soo weeraray magaalada Garbahaarey kadibna uu xigey iskahorimaad hubeysan oo dhex maray ciidamada labada dhinac.

Illaa hadda ma cada qasaaraha ka dhashay dagaalkan hase yeeshee Jamal Xasan ayaa sheegay inuusan jirin wax khasaare ah oo ka soo gaaray shacabka degmada Garbahrey iyo ciidamada dowladaba.

Magaalada Garbaharey ee xarunta gobolka Gedo ayaa marar badan waxaa weeraro ku soo qaaday ciidamada ururka Alshabaab oo hore looga saaray degmadaas.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here