Wararkii ugu dambeeyay suuqa kala iibsiga kooxaha Arsenal,Chelsea & Bayern Munich

Xiddiga qadka dhexe ee kooxda Tottenham Christian Eriksen, oo 25 sanno jir, ayaa wuxuu ka hadlay xiisaha ay u qabto kooxda Barcelona wuxuuna daaha ka qaaday inuu u boodi lahaa fursad uu kaga ciyaaro garoonka Camp Nou Stadium. (Ekstra Blade & The Independent).

Arsene Wenger ayaa waxaa lagu arkay magaalada Nice ee dalka Faransiiska isagoo la socday Madaxa Fullinta ee kooxda Arsenal Ivan Gazidis taasi waxay sii xoojisay wararka xanta ah ee sheegaya inay lasoo wareegayaan 18 sanno jirka weerarka uga ciyaara kooxda AS Monaco Kylian Mbappe. (Daily Mirror).

Laakiin kooxda ka dhisan dalka Isbaanishka ee Real Madrid ayaa lagu soo waramayaa inay 118 milyan oo ginni ku dalbatay weeraryahanka u dhashay dalka Faransiiska ee Kylian Mbappe. (The Sun).

26 sanno jirka weerarka uga ciyaara kooxda Lyon Alexandre Lacazette ayaa wuxuu daaha ka qaaday inuu u furan yahay in uusan ciyaarin muddo lix bilood ah si uu u sugo inta ay ka dheceyso xayiraadda kooxda Atletico Madrid ka saaran suuqa kala iibsiga ka dibna uu ku biiro kooxdaas ka dhisan caasimadda Madrid. (ESPN FC).

Tababaraha kooxda Chelsea Antonio Conte aya weli rajo ka qaba inuu gacanta kusoo dhigo daafaca dambeedka dhexe ee kooxda Juventus Leonardo Bonucci, oo 30 sanno jir ah, labadoodu waxay iskala soo shaqeeyeen Juventus iyo xulka qaranka Italy . (The Sun).

34 sanno jirka weerarka uga ciyaara kooxda Real Madrid Pepe ayaa qarka u saraan inuu ka tago Los Blancos isla markaana uu heshiis laba sanno ah kula biiro kooxda Paris St-Germain. (Marca).

Kooxda Bayern Munich ee dalka Jarmalka ayaa dooneysa inay iska iibiso garabka reer Brazil Douglas Costa, oo 26 sanno jir ah, iyo xiddiga qadka dhexe ee reer Portugal Renato Sanches, oo 19 sanno jir ah, laakiin waa haddii dalabyo ku habboon ay u yimaadaan labadaan xiddig. (Bild & The Sun).

Tababaraha cusub ee kooxda Barcelona Ernesto Valverde ayaa wuxuu qorsheynayaa inuu dalab cusub oo 45 milyan oo ginni ah ka gudbiyo daafaca dambeedka midig ee kooxda Arsenal Hector Bellerin, oo 22 sanno jir ah. (Daily Mirror).

Arsenal ayaa qarka u saaran inay qandaraas cusub kasoo dalbato daafaceeda dambeedka dhexe ee reer England Rob Holding si uu mustaqbalka fog usii joogo FLY Emirates Stadium. 21 sanno jirkaan ayaa Arsenal uga soo biiray kooxda Bolton qiimo lacageed dhan 2.1 milyan oo ginni xagaagii lasoo dhaafay. (Daily Mirror).

Gunners ayaa sidoo kale ku dhow inay qandaraas cusub la meeldhigto garabkeeda reer England Alex Oxlade-Chamberlain, oo 23 sanno jir ah. (Daily Telegraph).

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here