Xifaaltamayaasha La Liga ka wada dhisan ee Barcelona iyo Real Madrid, ayaa xagaagan ku dagaalami doona saxiixa 4 xidig oo caan ah.
Iyadoo labadaan naadi ay si aad ah isugu garbinayaan hanashada La Liga xli ciyaareedkan, misna dhanka kale waxaa jira tartan adag oo dhanka suuqa kala iibsiga Ciyaartoyda ah.
Barcelona ayaa maanka ku haysa in xagaagan uu isaga dhaqaaqayo Enrique, waxeeyna suuqa baadi goob ugu jirtaa macalinkii badali lahaa, sidoo kale Barca waxeey aad u dooneysa dhowr saxiix.
Dhanka kale maamulka Real Madrid ayaa doonaya in isbadal ay sameeyaan iyagoo kooxda ka diraya xidigo laf dhabar u ah sida James,Bale,Benzema iyo Morata islamarkaasna keenaya dhiig cusub.
Hadaba wargeyska Don Balon ee Spain kazoo baxa ayaa daabacay in Barca iyo Real ay ku dagaalami doonaan saxiixa afar ciyaaryahan oo kala ah.
Xidiga Chelsea Edin Hazard
Xidiga Monaco Kylian Mbappe
Weeraryahanka Borussia Dortmund’s Pierre-Emerick Aubameyang
Iyo khadka dhexe ee PSG Marco Verratti