Wararkii ugu dambeeyay suuqa kala iibsiga ciyaartoyda

Weeraryahanka Gunners Alexis Sanchez, oo 28 sanno jir ah, iyo kubadsameeye Mesut Ozil, oo 28 sanno jir ah, ayaa labduba waxay doonayaan mushaar dhan 350 kun oo ginni Isbuuc kasta, si ay kooxda usii joogaan. Labadaan xiddig ayaa galaya sannadkii ugu dambeeyey ee qandaraasyadooda Arsenal. (Daily Mirror).

Manchester United ayaa qorsheyneysa inay iska diido dalabka 60ka milyan oo ginni ah ee ay kooxda Real Madrid kasoo gudbin doonto 26 sanno jirka reer Spain ee goolka u qabta Man Utd David de Gea. (Sky Sports).

Dhanka kale, kooxda hanatay koobka horyaalka La Liga ayaa diyaar u ah inay jebiso rikoorka u yaalla suuqa kala iibsiga ciyaartoyda adduunka iyadoo 100 milyan oo ginni kula soo saxiixaneysa garabka kooxda Chelsea Eden Hazard, oo 26 sanno jir ah. (The Sun).

Weeraryahanka kooxda Atletico Madrid Antoine Griezmann, oo 26 sanno jir ah, ayaa wuxuu sheegay in mustaqbalkiisa sida ugu dhaqsaha badan loo xallin doono, iyadoo xiddigaan ay 86 milyan oo ginni ku baacsaneyso Man Utd. (ESPN).

Dhanka kale, Red Devils ayaa dooneysa inay kula dagaalanto kooxda Tottenham saxiixa 17 sanno jirka daafaca dambeedka bidix ee kooxda Fulham Ryan Sessegnon, xiddiga dhallinyarada ah ee reer England ayaa lagu qiimeeyaa ku dhowaad 15 milyan oo ginni. (Daily Mirror).

Chelsea ayaa wadahadallo kula jirta kooxda Faransiiska ka dhisan ee AS Monaco, iyadoo kala hadleysa qorshe ay 42 milyan oo ginni kula soo wareegeyso mashiinka qadka dhexe ee Monaco iyo xulka France Tiemoue Bakayoko, oo 22 sanno jir ah. (The Independent).

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here