Wararkii ugu dambeeyay shirka Jowhar

jowhar4Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya magaalada Jowhar ayaa sheegaya in Ergada ka qeyb galayso dhismaha maamulka Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe ee isaga baxay shirka maamul u sameynta labada gobol ay maanta dib ugu laabanayaan shirka.

Dadaalo dheer kadib iyo kullamo gaar gaar ah ayaa waxaa la qanciyay ergadii shirka iska baxday waxaana maanta lagu wadaa iney dib shirka ugu laabtaan.

Sababaha keenay in ergada shirka isaga baxaan ayaa lagu sheegay iney tahay arimo dhaqaalo, maadaama ay jireen qorshe dhaqaalo joogto ah lagu siinayo ergada shirka ka qeyb galayso.

Ergada shirka maamul u sameynta ayaa la filayaa iney ansixiyaan dastuurka maamulka uu yeelanayo, calanka iyo magaca loo bixiyaa maamulka labada gobol loo sameynayo.

Ergada ayaa kadib waxaa laga doonayaa iney soo xulaan xildhibaanada baarlamaanka ee maamulkaasi uu yeelanayo, waxaana kadib xigaya doorashada afhayeenka baarlamaanka iyo ku xigeenadiisa.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here