Wararkii ugu dambeeyay shirka Jowhar & Taliyaha Ciidamada AMISOM oo halkaas gaaray

Masuuliyiin kala duwan oo katirsan labada Gole Doowlada Federaalka Soomaaliya iyo siyaasiyiin u dhashay Shabeelaha Dhexe, ayaa saakay gaaray magaalada Jowhar, halkaasoo uu kasocdo shirka maamul u sameynta HirShabelle.

Masuuliyiintan ayaa kullamo xasaasi ah la qaatay qaar kamid ah Xubnaha isku haysta xilka Madaxweyne ku xigeenka HirShabelle.

subagleMasuuliyiintan ayaa ku dadaalaya ineey xal u helaan Khilaafka u dhaxeeya Cali Xasan Taakoow iyo Guudlaawe, kuwaasoo isku haysta jagada Madaxweyne ku xigeenka.

Gudoomiye Guudlaawe, ayay sida wararku sheegayaan masuuliyiinta usoo jeediyeen inuu marka hore is-casilo kadibna isku soo sharaxo xilka Madaxweyne ku xigeenka HirShabelle.

Gudoomiyaha gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale, Wasiirka arimaha gudaha, Wasiiru dowlaha Maaliyadda iyo xubno kale oo uu ka mid yahay Muuse Suudi Yalaxow ayaa ilaa shalay kulamo la qaadanayay dhinacyada khilaafka uu ka dhashay, iyaga oo doonaya in doorashada ay sii socoto lana dhameeyo khilaafka iyo cabashada ka timid qaar ka mid ah Musharaxiinta.

Warar kale oo aan heleyno ayaa sheegaya in xalay magaalada uu soo gaaray Cali Mahdi Maxamed madaxweynihii hore ee Soomaaliya, isaga oo qeyb ka ah xubnaha sar sare ee doonaya iney xal ka gaaraan khilaafka iyo hakadka ku yimid shirka maamulka u sameynta Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

Dhinaca kale waxaa maanta magaalada Jowhar gaaray Taliyaha Ciidamada AMISOM Jen. Cusmaan Nuur Subagle, kaasoo kullan la qaatay wasiirka arrimaha gudaha Guddoomiyaha maamulka Hirshabelle iyo masuuliyiin kale, waxaana uu kala hadlay suurtagalnimada sidii Jowhar loo geyn lahaa Ciidamo ilaaliya goobaha doorashooyinka Labada aqal ee Baarlamanka.

subagle0 subagle1 subagle3

Labo maalin ka hor ayay aheyd markii Ciidamo hubeysan oo ku heyb ah Musharaxa Madaxweyne kuxigeenka Cali Xasan Taakow ay la wareegeen xarunta shirka uu ka socdo, halkaasoo ay degan yihiin ergadii ansixisay dastuurka iyo Xildhibaanadii dhowaan la soo xulay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here