Wararkii ugu dambeeyay shirka IGAD ee Muqdisho ka furmaya maanta+Sawiro

14311256_919412481496089_4219931102203873378_oSida uu qorshuhu yahay maanta oo Talaado ah Taariikhduna ay ku beegan tahay 13-ka Bisha September ayaa lagu wadaa in Magaalada Muqdisho ay markii ugu horeysay marti geliso shirka Madaxda Urur Goboleedka IGAD.

Shirkan ayaa Dowladda Federaalka Soomaaliya xilli hore ay iclaamisay islamarkaana Diyaar garow badan oo ku aadan qabsoomida shirkan uu ka jiray Magaalada Muqdisho.

Afhayeenka Madaxtooyada Soomaaliya Daa’uud Aweys oo la hadlay VOA ayaa sheegay shirkan in uu ka dhacayo Magaalada Muqdisho, islamarkaana Soomaaliya ay guul weyn u tahay qabsoomida shirkan.

Dhinaca kale waxaa goordhow Garoonka Diyaaradaha gaaray Madaxweynaha Soomaaliya iyo qaar kamid ah xukuumada, si ay halkaas ugu soo dhaweeyaan Madaxda ka socota dalalka xubnaha ka ah IGAD.

14291654_919412484829422_545745811479293165_n

IGAD ayaa Ku Soo Laabatay Rubuc Qarni Kedib mid Ka Mid Ah Aasaasayaasheedii Sanadii 1986 -Kii Ee #Somalia Oo Marti Gelinaysa Shirka Maanta .

Urur Goboleedka IGAD Waxaa Aasaasay Wadamada Djibouti, Ethiopia, Kenya, Somalia, Sudan and Uganda Sanadii 1986-kii

14344076_919416128162391_6668647261925462781_n 14355196_919416124829058_5024605965169135181_n

Waxaa Sidoo Kalana Sanadii 1993-kii Ku Soo Biiray Dalka Eritrea Oo Markaasi Ka Go’ay Dalka Ethiopia.

Baldhaca Dhulka Wadamada Ku Bahoobay Urur Goboleedka #IGAD Ayaa Lagu Qiyaasaa 5.2 Milyan Sq.km

Halka Isu Gaynta Dadka Ku Nool Wadamada Ku Midoobay Urur Goboleedka #IGAD Lagu Qiyaasay 180 Milyan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here