Wararkii ugu dambeeyay Mooshinka laga gudbiyay Madaxweynaha

Mudanayaal ka tirsan Baarlamanka Soomaaliya, ayaa shalay Guddoonka sare ee Baarlamanka u gudbiyay Mooshin ka dhan ah Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Mudanayaasha gudbiyay Mooshinka, ayaa madaxweynaha ku eedeeyay inuu ku xadgudbay qodobka 36-aad ee Dastuurka, islamarkaasina uu Doowlada Itoobiya ku wareejiyay C/kariim Shiikh Muuse (Qalbi-dhagax) oo ah muwaadin Soomaaliyeed.

Sidoo kale Xildhibaanadan ayaa Madaxweyne Farmaajo ku eedeeyay inuu heshiisyo sharci-darro ah lasoo galay Itoobiya iyo Ereteriya islamarkaasina uu ku wareejiyay qaar kamid ah Dekadaha Dalka.

Guddoonka sare ee Baarlamanka ayaa aqbalay gudoomayna Mooshinka laga soo gudbiyay Madaxweynaha.

Mooshinka & dhaliisha labada Guddoon midkeebaa sax ah?

Halkan ka dhagayso warbixin at VOA ka diyaarisay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here