Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Magacaabista Ra’iisul Wasaaraha Cusub Ee Soomaaliya

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu wadaa in saacadaha soo socda uu ku dhawaaqo Ra’iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya.

Mr Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynaha Soomaaliya ayaa 24-kii saac ee la soo dhaafay waxaa uu kulamo la tashiyo ku aadan magacaabista shakhsiga uu u magacaabayo Ra’iisul wasaaraha waxaa uu la lahaa Siyaasiin kala duwan.

Siyaasiintaasi waxaa ka mid ah Proff. Buubaa, Proff. Cali Khaliif Galayr, Proff. Maxamed Cabdulaahi Oomaar iyo kuwo kale.

Ilaa iyo hadda si rasmi ah looma oga shakhsiga uu Madaxweyne Xasan Sheekh uu u magacvaabi doono xilka Ra’iisul wasaaraha, waxaana soo baxaya warar hoose oo sheegaya in Madaxweynuhu oo goordhow ku dhawaaqi doono shaqsi u dhashay beesha Daarood oo Ra’iisul wasaare u noqon doono.

Ragga beeshaasi ka soo jeeda ee xilka Ra’iisul wasaaraha loo saadinaayo waxaa ka mid ah Proff. Doodishe, Cabdi Barre, C/waaxid Cilmi Goonjeex, Maslax Maxamed Siyaad Barre, Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyo masuuliyiin kale.

Waxaa aad loogu saadaalinayaa Maxamed C/laahi Farmaajo iyo C/waaxid Cilmi Goonjeex oo maalmahaan ay aad u badnaayeen kulamada ay la yeelanayeen Madaxweynaha cusub.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

6 COMMENTS

  1. ascw. ugu horeyn waxaan leeyahay somali waa dhamatey wadankuna waa xumadey hada ayan dareemeynaa iftiin sobaxaya ilahayna waxan ka baryeynaa itinkas inuu nooweyneyo kadib raiisul wasaraha cusub ilahay ayaa garanaya ninka noo roon garanayana somalinimo iyo waxqabadka maanta wadankenu u habanyahay lkn rayigeyga hadan idin sheego waxqabad bulsho mid qaranimo iwm c/wali m gaas ayan leyahay hanalosodorto madaxdayada inkastoo hadalo nagusogarayan in uusan u sojedin howshaas lkn wali shacabkiisa ayaa u baahan go’aanka kaligaas malahan raiisul wasarahayagu wscw,,,,,,,,

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here