Waxaa xalay dagaal xoogan uu ka dhacay qeybo ka mid ah magaalada Kismaayo , iyadoo dagaalka uu dhexmaray xoogag ka tirsan dagaalyahanada Alshabaab iyo Ciidamada huwant ah.
Sida uu Saaka ku soo waramayo wariyaheena Deeq oo ku sugan Magaalada Kismaayo , xoogag ka tirsan Alshabaab ayaa xalay weerar ku soo qaaday saldhig ay ciidamada Huwanta ku leeyihiin Xaafada Via Afmadow ee magaaladaasi , waxaana saldhigaasi la sheegay inay dagan yihiin Ciidamada Kenya.
Dagaalka waxaa la isku adeegsaday hub kala duwan , waxaana dhawaaqa rasaasta laga maqlayay xaafadaha Magaalada Kismaayo , shacabka ayaa qalq al galay , iyagoo qaarkood aysan hurdo ka soo dhicin.
Inkastoo dagaalka uu xooganaa hadana khasaarihiisa lama ogaan karo , maadaama uu xili habeen ah dhacay , waxayna ciidamada Kenya ay xalay noqdeen kuwa ku aruuray daafaca.
Inta badan Habeenkii Magaalada waxaa ka taliya oo weeraro qaada alshabaab , halka Maalinti ay ka taliyaan Huwanta , iyagoo sameeya Baaritaano iyo sugida amniga.
Magaalada Kismaayo ayaa hada waxaa ka socda qorshe looogu sameynayo maamul Goboleed , kaasoo ay gadaaol ka riixayaan Urur Goboleedka IGAD iyo Dowlada Kenya oo Soomaaliya ku joogto magaca AMISOM.
Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.