Wararkii Ugu Dambeeyay ee Dagaalada Kismaayo iyo Xaalada oo Wali kacsan

Waxaa Saaka dagaal culus uu dhexmaray Ciidamada Dowlada Soomaaliya iyo dagaalyahanada Raaskambooni, iyadoo dagaalka la sheegay in ay Ciidamada Dowlada isku dayeen inay qaadaan Isbaaro u taalay Dagaalyahanada Raaskambooni.

Waxaa hada magaalada Kismaayo ka socda Dagaal culus oo la isku adeegsanayo Hubka waa weyn iyo Madaafiicda Goobta, waxaana dagaalkan uu daba socdaa dagaalkii saaka dhexmaray ciidamada Dowlada iyo Raaskambooni.

Ciidamada Dowlada ee Saaka isbaarada qaadayay ayaa dilay 3 dagaalyahan oo ka tirsan Raaskambooni, dhankoodana waxaa ka dhintay Hal dagaalyahan, halka mid kalana laga dhaawacay.

Dad la sheegay inay yihiin Ehelada Dhalinyarada laga dilay Raaskambooni ayaa weerar xoogan ku soo qaaday goobti ay ciidamada Dowlada ku dileen dhalinyarada, waxaana halkaasi ka dhashay dagaal khasaaro badan u geystay shacabka ku dhaqan Xaafada Via Afmadow.

Isbitaalada Magaalada Kismaayo ayaa loola cararay dad aad u badan, iyadoo la sheegay inay geeriyoodeen 4 ruux oo shacab ah.

Gabi ahaanba waxaa xirmay isku socodka suuqyada magaalada Kismaayo, waxaana sababta ay tahay Rasaas culus oo ku hoobaneysa Suuqa.

Waa dagaalkii Labaad oo Saaka kaliya ka dhaca Magaalada Kismaayo, walina ma jirto cid ka hadashay ha ahaato Maamulka magaalada iyo waxgaradka ku dhaqan, iyadoo cid kasta ay afka gacanta u saaran tahay.

Xaalada Magaalada ayaa aad u kacsan, waxaana shacabka ay ku jiraan jawi colaadeed, iyadoo la arkayo dhaq dhaqaaqa magaalada oo aad u xadidan.

Ciidamada Kenya ayaa u muuqda kuwa aan kala dhex galeynin Ciidamada dagaalamaya, iyadoo Ciidamada AMISOM ee ku sugan Muqdisho lagu yaqaanay inay kala dhex galaan marki ay is qabtaan Ciidamada Dowlada, balse Kenya ayaa kor kala socota dagaalka.

Wixii warar ah ee soo kordha kala soco Midnimo.Com.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here