Wararkii ugu dambeeyay ee Buuloburde

Buuloburde oo Laga Saaray Shabaab
Buuloburde oo Laga Saaray Shabaab

Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaray Buuloburde ayaa sheegaya in caawa magaalada lagu soo rogay bandow kaddib markii ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ay gacanta ku dhigeen magaaladaas.

Ciidamada tagay magaalada ayaa howgalo ka bilaabay xaafadaha iyo xarumaha degmada, maadama halkaas ay xarun muhiim ah u ahayd kooxda al Shabaab.

Dadkii ku dhaqnaa magaalada ayaa inta badan ka qaxay, waxaana la sheegayaa in goobaha ganacsiga ay xiran yihiin magaalada.

Kooxda Al-Shabaab oo gacanta ku heysa magaalada ayaa la sheegay in baxeen dhulka taagga ee bariga ee magaalada

Maagalada Buuloburde oo 125 Kiilomitir dhanka waqooyiga ka xigta caasimadda Muqdisho ayaa waxay isku xidhi jirtay dhulka ay al Shabaab maamusho ee koonfurta iyo badhtamaha Somalia.

Dhinaca kale, magaalada Beledweyne ee xarunta gobalka Hiiraan ayaa la sheegay in caawa bandow lagu soo rogay, waxaana magaalada lagu arkayay ciidamo fara badan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here