Wararkii Ugu Dambeeyay ee Booliiska Kenya oo Dilay sadex Ruux 10-Qofna Xabsiga Dhigay

Sida ay sheegayaan   wararka ka imaanaya Magaalada Mombasa ee dalka Kenya Booliiska dalkaasi ayaa dilay saddex ruux halka sidoo kale 10-ruux ay qabteen.

Falkaan ayaa wuxuu ka dhacay Saldhiga  Freretown ee deegaanka Kisauni xalay saqdii dhexe ee Magaalada Mombasa dalka Kenya.

Koox looga shakisan yahay inay xiriir la leeyihiin Ururka Al-Shabaab iyo ciidamada Booliiska deegaankaasi ayuu dhexmaray falkani iyadoo kooxaha looga shakiyay shabaab inay xiriir la leeyihiin laga dilay 3-halka 10-kale xabsiga loo taxaabay.

Raga saldhiga weerarka ku qaaday ee looga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin kooxda lagu magacaabo MRC ayaa waxa ay wateen falaaro iyo sidoo kale baangado kuwaasi oo weerarka Saldhiga ku qaaday kadibna ciidanka ay dagaalameen.

Kooxdaan lagu magacaabo MRC ayaa waxa ay yihiin koox kasoo horjeeda Dowladda dalka Kenya kuwaasi oo sida la sheegay aaminsan in Gobalka xeebta ee Mombasa uusan ka tirsaneyn dalka Kenya.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here