Wararkii ugu dambeeyay Diyaarad Masar laga leeyahay oo la la’yahay

345D413B00000578-3598117-EgyptAir_flight_MS804_heading_from_Paris_to_Cairo_is_believed_to-a-1_1463643443458Sida ay sheegayaan wararka diyaaradan ayaa laga waayay Raadaarka, xilli ay mareysay Badda Meditarrean-ka, isla markaana 10 Mile u jirtay Hawada Masar.

Diyaarada ayaa waxaa saarnaa 56 rakaab iyo 10 shaqaale, waxaana xalay abaarihii 11:09 ka soo duushay garoonka diyaaradaha Charles De Gaulle Airport ee magaalada Paris.

Shirkadda Diyaaradaha EgyptAir ayaa sheegtay in diyaarada laga yaabo inay ku bur burtay Badda Meditarrean-ka, isla markaana muddo 20-daqiiqo ka hor lagu waday inay caga dhigato garoonka diyaaradaha magaalada Qaahira.

Wakaaladda wararka ee AFP ayaa ka soo xigtay hay’adda duulimaadyada ee Giriigga in diyaaradda la la’yahay ee EgyptAir ay ku dhacday badda koonfurta dalkaasi. Cid kale oo war noocaas sheegtay ma jirto ilaa haatan.
345DE48F00000578-3598117-image-a-17_1463644058283

Waxaa socda baadigoob loogu jiro diyaarada, waxaana loo diray diyaarado iyo maraakiib ka raadinaya diyaarada, goobaha laga shaki qabo inay ku dhacday oo illaa 40-mile u jirta Badda Masar.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here