Wararkii Ugu Dambaayey Ee Xaaladda Caafimaad Ee Nimco Dareen

Warar horudhac ah oo ka soo baxay laamaha caafimaadka dalkaKenyaayaa sheegaya in xaalada Fanaanada Nimco Dareen oo wayaadan ku sugneyd dalkaKenyaay ka roon tahay sidii la filaayay markii hore.

Kadib dhaawac ka soo gaaray Fannaanadda Nimco Max’ed Xasan ” Nimco dareen” weerar lagu soo qaaday xili ay xalay bandhig faneed ku qabaneysay magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya ayaa waxaa soo hagaagaya xaaladeeda caafimaad.

Sida ay xaqiijiyeen dad goob joogayaal ah oo ku sugnaa masrixii ay ka heesaysay Nimca dareen ayaa markii ay fannaanaddu soo kortay masraxa qaadayna heestii ugu horreysay waxaa goobta soo galay dhallinyaro ku hubaysana ulal iyo toorreeyo kadibna dhaawac soo gaarsiiyey.

Fanaanada ayaa la sheegay in toorrey ay kaga dhacday dhuunta sidoo kalana ay jiraan dhaawacyo u leed oo fannaanadda soo gaaray, balse dhaqaatiirka isbitalka la dhigay fanaanada waxay sheegeen in xaaladeedu wanaagsan tahay.

Ciidamadii ammaanka sugayey ee ku sugnaa goobta bandhig faneedka ay ku qabaneysay fanaanada Nimo Dareen ayaa la sheegay in markii falkaasi uu dhacay ay bilaabeen inay naftooda difaacaan oo kaliya.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

Midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here