Wararkii u dambeeyay diyaargarowga Barcelona iyo Bayern München

Habeenka Arbacada waxaa garoonka Camp Nou ee ku yaalla magaalada Barcelona ee dalka Spain ku cayaaraya lugta labaad ee tartanka kooxaha qaaradda Yurub kooxa Katalaaniga iyo Bayern München oo ka socota dalka Jermalka.

Kulankan kii horreeyay waxa lagu dur-duriyay Barca oo laga dhaliyay ilaa afar gool, waxaana dadka ciyaaraha saadaaliya ay lee yihiin aad ayey ugu adagtahay Barcelona in ay ka soo tallaabo kalkan tartanka kooxaha qaaradda Yurub.

Sababtu waxa ay lee yihiin kooxda heesata horiyaalka Bundesliga, waxa ay heesataa guulo labo dhinac ah, waa mar iyadoo ku soo badisayt gurigeeda iyo kooxda Camp Nou oo laga rabo shan gool sii ay ugu soo gudubto ciyaarta kama dambeesta tartanka.

Si kastaba, macalin Tito Vilanova waxaa u soo laabtay qaar badan oo ciyaartooydiisa kuwaasoo ka maqnaa ciyaartii horre.

Difaaca Barcelona Adriano ayaa la sheegay in uu diyaar yahay kulanka labaad ay kaga soo horjeedaan Bayern Munich kaddib markii hal kulan la ganaaxay.

Javier Mascherano oo ka dhaawacnaa Anqowga ayaa dib tababarka ugu soo laabtay, laakin Carles Puyol oo ka sheeganaya Anqowga wali waa ma ahan mid lahubo sidoo kale Jordi Alba ayaa ka maqan kulan maadama uu ganaaxan yahay.

Tababaraha kooxda Bayern Munich Jupp Heynckes wuxuu xaqiijiyay in uusan nasin doonin ciyaartoyda la is lee yahay waxaa laga cabsi qabaa in ay seegaan ciyaarta Finalka Arbacada.

Javi Martinez, Mario Gomez, Bastian Schweinsteiger, Luiz Gustavo, Dante iyo Philipp Lahm ayaa dhammaantoo waxa ay la siiyay min hal Jaalo waxaana ay seegi doonaa ciyaarta ka dhaceysa Wembley.

Xidigga qadka dhexe Toni Kroos suulka ayuu ka dhaawacan yahay waa ku maqan yahay ciyaarta habeen dambe laakin weerar yahanka Mario Mandzukic ayaa dib u soo laabtay markii uu kulankii horre ku maqnaa ganaax.

Wax yaabaha kale ee cusub waxaa ka mid ah: Kooxda Barcelona hal jeer ayey guul daro kala kulantay gurigeeda 26-ciyaarood oo ay yeelatay xilli ciyaareedkan waana kulankii 3 iyo 1 ay kaga badisay kooxda aadka ay isku neceb yihiin ee Real Madrid waxaana ciyaartaas ay ka tirsaneed koobka Spain ee Copa del Rey bishii February.

Kooxda Blaugrana waa ay ka badisay 10-kii kulan ee ugu dambeeyay oo ay gurigeeda kula ciyaartay kooxaha ka dhisan dalka jermalka.

Ilaa hadda lama sheegin koox ka dhisan Yurub oo sameesa taarikh ah, in Afrar gool oo laga dhaliyay lugta iska soo guday haddan guul gaartay.

Alex Song iyo Gerard Pique’ waa ay ganaaxan yihiin ciyaarta soo socota.

Bayern Munich waxa ay adkaatay 17-kulan oo ay u ambabaxday meel ka baxsan gurigeeda dhmmaan ciyaaraha ay soo ciyaartay

Bavarian-ka waxaa xilli ciyaareedkan dhaliyay goolashii ugu badnaa horiyaalka kooxaha qaaradda Yurub ee Champions League waxaana ay gaarayaan ilaa 26 gool.

Mario Gomez waa xidigga ugu gool dhinta badan kooxda Bayern wuxuu dhaliyay 23-gool oo ka mid ah tartanka kooxaha qaaradda Yurub ee Champions League .

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here