Wararki ugu danbeeyey Shirka Wadatashiga iyo qodobka dastuurka oo meel la saaray

Madaxda iyo ergooyinka ka qeybgalaya shirka Wadatashiga Soomaalida ee ka socda Garoowe ayaa wali falan qeynaya qodobka ugu dhibka badan shirka ee xulista baarlamaanka oo weli leysku hayo in lagu soo xusho xildhibanada 4.5 ama degmooyinka dalka .

Warar hor dhac oo aan ka helnay shirka maanta oo ay albaabada u xiranyihiin ayaa sheegaya in kulanki saakay heshiis loogaga gaaray qodobka ku saabsan dastuurka cusub ee Soomaaliya.

Ergooyinka ayaa isku raacay in dastuurka lasoo gaba gabeeyo ka hor inta aysan dhamaan waqtiga kumeelka ah ee dowlada oo ku eg bisha August ee soo aadan, sidoo kale waxaa la isla meel dhigay in marka la dhameystiro dastuurka la qabto shir weyne lagu ansixinayo oo ay ka qeybgalayaan ergooyin ka badan 1,000 ruux.

Wali waxaa la leehay waxaanan go,aan laga gaarin qodobka soo xulista xildhibaanada iyo habka ay ku imaan doonaa, waxaase la rajeynayaa in saacadaha soo aadan go,aan laga soo saaro.

Ka hor inta aanan lasoo gaba gabeyn shirka saacadaha soo aadan ayaa waxaa madaxdu ay wada saxiixi doonaan war murtiyeed ay ku qoranyihiin qodobada lagu heshiiyey.

Aqristayaal waxaan idin balan qaadeynaa in aan si toos ah halkan ugala socon doonaan hadba waxa kusoo kordha shirka wada tashiga.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.c

degmooyinka dalka
midnimo12@googlemail.com.