Wararki ugu danbeeyey shirka wadatashiga iyo laba gudi oo loogaga dhawaaqay

Shirka wadatashiga Soomaaliya oo galay maalinti labaad ayaa waxaa maanta loogaga dhawaaqay laba gudi.
Gudiyadaan ayaa waxa ay howshoodu noqon doontaa jaan goynta, diyaarinta iyo soo saarista tastuurka cusub ee ay yeelan doonto dowlada rasmiga ah ee ay Soomaaliya iyo sidoo kale habeynta baarlamaanka soo socda.

Gudiga koowaad waxa uu ka shaqeyn doonaa qaabeynta baalamanka cusub oo la rajeynayo inuu aad uga yaraado baarlamaanka xiligaan oo ah kan ugu badan ee Geeska Africa.

Kan labaad ama gudiga kale wuxuu ka shaqeyn doonaa ansixinta dastuurka cusub ee Soomaaliya iyo sidii uu usoo qaban qaabin lahaa shir weyne ay isugu imaan doonto dhamaan Soomaalida oo lagu sixi doono dastuurka.

Kulanka maanta waxaa ka maqan oo aanan kasoo qeybgali madaxweynaha Soomaaliya oo la rajeynayo in uu gadaal uga soo biiro, waxaase xaadir ku ah, ra’isulwasaaraha, gudoomiyaha baarlamaanka iyo madaxda maamul goboleedyada Puntland iyo Galmudug.

Ahlu Sunna oo maanta qaadacday kulanka kadib war ay kasoo saareen Dhuusamareeb, waxaa ka jooga xubno masalaya magaca guud ee Ahlu Sunna.

Maalinta birto ah ayaa lagu wadaa in lasoo gaba gabeeyo shirka, iyadoo ay kasoo bixi doonaan go,aano muhiim ah.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

1 COMMENT

  1. kkkk kkkk kkkk kkkk Shirkani waa Shimbiri yahoow heesa, Mahiigana u heesa , waa aakhiru Zaman, Tanzania oo Somalia Xukumeysa, Kenya , Uganda iyo Burundi oo NATO u noqdey Somalia , Allow Tuugada ka qabo Somalia, una keen Wadani Caadil ah, aamiin

Comments are closed.