Wararki ugu danbeeyey qaraxi ka dhacay Dhuusamareeb

Tafaasiil dheeraad ah ayaa kasoo baxday qaraxi galaba lagula beegsaday magaalada Dhuusamareeb wafdi isugu jiray xildhibaano iyo siyaasiyiin oo maalmahan booqasho ku marayey gobolka Galguduud.

Tirada dhimashada ayaa haatan mareyso lix ruux oo ay ku jiraan laba xildhibaan oo kala aha Yusuf Mire Seeraar iyo C/wali Aw Muxumed, sidoo kale waxa dhintay sarkaal ka tirsanaa ciidama amaanka ee Ahlu Sunna, qof rayid ah iyo ninki ismiidaamiyey.

Qaraxa ayaa ka dhacay goob maqaayad ah oo ay ku shaahayeen mas,uuliyiinta, waxaana dadka dhaawaca ah oo ka badan 10 ruux la kala geeyey isbitaalada Dhuusamareeb iyo Guriceel.

Madaxa fulinta ee Ahlu Sunna, Sheekh Yusuf Maxamed Xeefoow oo shir jaraa’id ku qabtay Dhuusamareeb ayaa xaqiijiyey dhimashada shanta ruux oo ay ku jiraan xildhibaanada, waxa uu intaasi ku daray in dadka dhaawaca ah ay magacyadooda dib kasoo sheegi doonaan.

Al Shabaab ayaa sheegtay mas,uuliyada qaraxa iyaga oo ku tilmaamay in uu u dhacay qaraxa sidi loogu tala galay.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.