Wararki ugu danbeeyey eedeegaanadi lagu dagaalamay iyo madaafiic caawa ku socoto deegaanada loo barakacay

Dagaalo culus ayaa galabta mar kale ku dhexmaray ciidamada dowlada iyo Amisom oo isku dhinac ah iyo Xarkada Al Shabaab.

Dagaaladi galabta ayaa ka dhacay sadex fariisin oo ay ciidamada dowlada iyo AMISOM ku leeyihiin duleedka degmada Dharkeenleey kuwaasi oo kala ahaa Kax Shiiqaal, Abagado, iyo Cali Janaale.

Goob joogayaal ayaa sheegay in dagaalka xoogiisa uu ka dhacay deegaanka Cali Janaale oo ay saakay ciidamada AMISOM la wareegeen, waxa kale uu dagaal ka dhacay Kaxda qeybteeda soke sida ay wararku sheegayaan.

Ilaa iyo sadex ruux ayaa la xaqiijiyey in ay ku dhinteen dagaaladi maanta, sidoo kalana waxaa ku dhaawacmay in ka badan 10 ruux.

Dhanka kalana madaafiic ayaa laga maqlayaa magaalada Muqdisho kuwaasi oo ku dhacaya deegaanada loo barakacay sida Garas Baaleey iyo Taree Dishe ee duleedka Muqdisho.

Madaafiicda oo ay tuurayaan ciidamada AMISOM waxay ka danbeeyeen marki ay Al Shabaab hoobiyeyaal ku garaaceen Daarta Maslax oo ay maanta fariisin cusub ka sameysteen ciidamada  AMISOM.

Haweeneey ku sugan xaafada Garas Baaleey oo la hadashay warbaahinta in ay caawa ku socoto madaafiic isla markaana aysan aqoon meel ay ka galaan.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.