Wararki ugu danbeeyey ee xaflada dhaarinta xildhibaanada Madaxweyanha oo gaaray madasha iyo Wareysi Wasiirka Dastuurka (Dhageyso)

Munaasabad lagu dhaarinayo xildhibaanada baarlamaanka cusub ee Soomaaliya ayaa haatan ka socoto howlka garoonka diyaaradaha Adan Cade ee magaalada Muqdisho.

Munaasabada inta aysan bilaaban ayaa waxaa xildhibaanada oo ka badan 200 loo qeybiyey kaararka aqoonsiga.

Madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa haatan ku sugan howlka, sidoo kale waxaa jooga Ergayga gaarka ah ee Qamara Midoobay ee Soomaaliya Mahiga.

Xildhibaanada ayaa waxaa la filayaa in dhaartooda ay bilaabato daqiiqado kadib, waxaana dhaarin doona mid ka mid ah xildhibaanada.

Dhaarta kadib waxa ay dooran doonaan gudoomiyaha cusub ee baarlamaanka, iyadoo baarlamaanka uu gudoomin doono ninka ugu da’da weyn.

Wareysiga Wasiirka Dastuurka oo dhameystiran halka ka dhageyso

[powerpress: url=”https://midnimo.comm/wp-content/uploads/2012/08/xoosh.mp3″]

Wasiirka Dastuurka iyo Dib u Heshiisiinta C/raxmaan Xoosh Jabriil ayaa sheegay in dib u dhac ku yimid doorashooyinka Gudoomiaya baaralmaan iyo madaxweynaha, Wasiirka oo goor dhow wareysi siiyaya VOA ayaa sheegay in tirada ilaa hada la hayo y tahay 225 kuwas oo la diwaan gelin doona lana dhaarin doon, wuxuu kaloo sawiirka sheegay in ” Gudoomiyaha Barlamaanka iyo ku xigeenkiisa la dooran doono 26 iyo 27 bishaan dorashada iyo in ay cadeyn weli waqtiga doorashada madaxweynaha….”

Wasiirka ayaa sheegay sid laga yeeli doono dadka maqan iyo qaabka wax dowlada dhacday howsha u sii wadi lahaayeen inta uu dhamaanayao xiliga kala guurka si aan qal qal amaandaro  u dhincin.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
Midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here