Wararki ugu danbeeyey ee xaalada degmada Ceelbuur

Ciidamada Ethiopia oo ay hogaaminayaan maleeshiyaadka Ahlu Sunna ayaalagu wadaa in maanta ay gaaraan deegaanada Wabxo iyo Ceelbuur ee gobolka Galguduud, saacado kadib marki ay isaga baxeen AL Shabaab.

Saraakiisha Ahlu Sunna ayaa xaqiijiyey in haatan ciidanka aaday xagaasi iyo Wabxo ay qarka u saaranyihiin in ay qabsadaan kadib marki ay shalay la wareegeen deegaanka War-dhuumalo oo aad ugu dhaw Wabxo.

Ciidanka Itoobiya iyo kuwa Ahlu Sunna oo wata ilaa iyo sideed Taangi ayaa iyaguna ksuii siqaya magaalada Ceelbuur oo aheyd halki ay ugu xooganaayeen Al Shabaabka Galguduud.

Al Shabaab ayaa shalay iyo habeen hore isaga baxayey magaalada iyaga oo sida la sheegay ka rartay saanadahoodii hubka iyo agabyadi muhiimka u ahaa sida Idaacada Andalus iyo gaadiidkooda.

Lama oga halka ay qabteen Al Shabaab, iyadoo wararka qaar ay sheegayaan in saakay lagu arkayey dagaalyahano aanan badneyn oo ka tirsan Al Shabaab oo magaalada ku sugan taasi oo cabsi gelisay dadka deegaanka oo ka baqayo in magaalada gudaheeda lagu dagaalamo.

Warar kale ayaa sheegaya in Al Shabaab ay u baqooleen xagaasi iyo qeybo ka mid ah gobolka Shabeelaha Dhexe si ay usoo maraan deegaanada xeebta ku dhirirsan una soo gaaraan dhanka koonfureed ee dalka Soomaaliya.

Si kastaba ha ahaatee saacadaha soo aadan ayaa la ogaan doonaa sida ay arini ku danbeyn doonto.