Wararki ugu danbeeyey ee xaalada degmada Afgooye saakay oo Jimca ah

Ciidamada dowlada KMG Soomaaliya ayaa xalay ku baryey koontaroolka Baar Ismaaciil ee duleedka degmada Afgooye, iyadoo lagu wado in ay saakay gudaha u galaan magaalada.

Askarta oo isugu jira kuwa dowlada iyo ciidamada AMISOM ayaa xalay difaac uga jiray meelaha ay joogaan iyaga oo Afgooyana ka maray laba jiho, sodoo kalana hareereeyey dhamaan deegaanada loo barakacay.

Waxaanan wali wax war ah laga heyn xarakada AL Shabaab kuwaasi oo habeen hore kasii daayey saldhiga Afgooye maxaabiisti ku jirtay kadibna kaxyestay gaadiidkoodii iyo dad dhaawacyo ka ahaa.

Abaanduulaha ciidanka dowlada Generaal Dhagabadan ayaa sheegay in ay si nabad ah ku baryeen xalay oo aysan jirin wax dagaal ah oo lagala hor yimid, waxaana uu sheegay in saakay ay u madalnyihiin in ay tagaan Afgooye.

Magaalada Afgooye ayaa dagan iyadoo dadku xalay ku baryeen xaalad cabsi ah maadaama la filan karo mar walba dagaal dhex mara labada dhinac.

Dhanka kale ciidanka dowlada ee ku sugan deegaanka Darmoole ee duleedka Muqdisho ayaa wada dhaq dhaqaaqyo ay ku aadayaan dhanka degmada Balcad, waxaana la leeyahay waxa soo baxaya warar dheegaya in maalmaha soo aadan ay dowlada iyo ciidanka Amisom ku wajahanyihiin Shabeelaha Dhexe.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.