Wararki ugu danbeeyey ee shirka Garoowe 2

Warar hor dhac ah ayaa kasoo baxaya qodobada lagu heshiiyey Shirka Garoowe 2 ee oo ay haatan socoto xaflada lagu soo xirayo.

Wasiirka dastuurka ee dowlada KMG Soomaaliya C/raxmaan Xoosh Jibriil oo goor dhaweyd la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in qodobada ugu muhiimsan ee la isku afgartay ay ka mid yihiin in baarlamaanka laga dhigo laba gole oo kala ah, Golaha sare ee baarlamaanka iyo Golaha Aqalka Odayaasha.

Wuxuu sheegay in Golaha Aqalka Odayaasha ay ka imaan doonaan dhamaan gobolada dalka laba sano kadib marka ay jirto dowlada lasoo dooran doono ee rasmiga ah ee Soomaaliya.

Qodoabada kale ee lagu heshiiyey ayaa waxaa ah in dowlada Soomaaliya ee dastuuriga ah ee soo aadan ay noqoto dowlad ku dhisan 4.5 isla markaana shaqeyn doonto afar sano.

Waxaa haatan soconaya xaflad lagu gaba gabeynayo shirka Garoowe 2 iyadoo uu goor dhaweyd oo galabta ah gaaray magaalada Garoowe madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed.

Madaxweyne Sharif ayaa haatan fadhiya xarunta uu ka socdo shirka ee Jaamacada PSU ee magaalada Garoowe.

Shirka ayaa waxaa ka qeybgalaya dowlada KMG Soomaaliya, maamulada ka jira dalka ee la aqoosanyahay, Qaramada Midoobay iyo Ahlu Sunna waljamaaca.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.