Wararki ugu danbeeyey ee shirka ansixinta dastuurka iyo ergooyinka oo la kala qeybiyey

Ergada ansixineyso shirka dastuurka ayaa waxaa maanta loo kala qeybiyey kooxo si ay u dar dar geliyaan ansixinta.
Wasiirka dastuurka Soomaaliya, C/raxmaan Xoosh Jibriil ayaa sheegay in sababta loogu qeybiyey 10-ka qeyb ay tahay sidii loo fududeyn lahaa dastuurka isla markaana kooxdiiba ay aqrin doonto qodobo.

10-kan qeyb ayaa midkiiba waxaa uu ka koobanyahay 80 ama boqol ergo, waxaana maalinta berito ah ama Sabtida ay guda galayaan sidi ay uga doodi lahaayeen.

Kulanki maanta ayaa waxaa intiisa badan ahaa casharo ay gudiga farsamada siinayeen gudiga ansixinta iyo sidoo kale su,aalooyin ay ergada weydiinayeen wasiirada dastuurka iyo wasiirka qorsheynta.

Dhanka kale ergada ayaa ka cabaneysa xaalado la xiriira amaankooda, qarashaad loo balan qaaday oo aysan helin iyo arrimo kale, laakin waxaa arintaasi ka jawaabay wasiirka dastuurka C/raxmaan Xoosh Jibriil.

“Ergada timid runtii dowlada dhaqaala ma lahan, qorshe waxaa jiray aan UN-ka kala hadleeynay si ay dhaqaalo wax u siiyaan, laakin waxaan soo dhameynay in aan mudada ay joogaan aan siino gunnooyin,”

Maalinta Sabtida ah ayaa lagu wadaa in ergooyinka helaan gunooyin maalin walba la siin doono oo ay dowlada KMG ah iyo Qaramada Midoobay ugu tala galeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here