Wararki ugu danbeeyey ee qasaaraha ka dhashay qaraxi ismiidaaminta ee ka dhacay Tiyaatarka Qaranka

Faah faahin dheeraad ah ayaa kasoo baxday qarax ismiidaamin ah oo maanta ka dhacay xarunta Tiyaatarka Qaranka ee Magaalada Muqdisho halkaasi oo ay ka dhaceysay munaasabad loogu dabaal dagayey sanad guuradi 28-aad ee kasoo wareegatay marki la aas aasay TV-ga Qaranka.

Inta la ogyahay 8 ruux ayaa ku geeriyootay oo ay ku jiraan Gudoomiyaha Olombikada Soomaaliyeed, Aadan Xaaji Yabaroow Wiish, Gudoomiyaha Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubada Cakta, Saciid Maxamuud Nuur (Mugaanbe).

Shan ka mid ah meydadka ayaa waxa ay yaalaan isbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho halkaasi oo la filayo in laga qaado.

Waxaa soo baxaya warar sheegaya in qaraxa uu dhaawac kasoo gaaray wasiiro ka tirsan xukumada Soomaaliya, hase yeeshee wali ma cada, laakin waxaa la xaqiijiyey in uu dhaawac fudud kasoo gaaray gudoomiye ku xigeenki hore ee baarlamaanka Prof. Maxamed Cumar Dhalxa.

Sidoo kale dadka dhaawaca ah waxa u badan qaar ka mid ah wariyaasha ka howlgala magaalada Muqdisho iyo sawir qaadayaal, waxaana ka mid ah Axmed Cali Kaahiye oo ka tirsan Radio Kulmiye, Maxamed Shariifka oo u shaqeeya Radio Barkulan, Shuuriyaaka oo ka tirsan Idaacada Shabelle, iyo Xamdi Maxamed Xasan oo ah gabar ka mid ah wariyaasha TV-ga Somali Chanel.

Wali waxaa isa soo taraya qasaaraha ka dhashay qaraxa, iyadoo ay dhici karto in dadka ku dhintay ay intaasi kasii bataan.

Sida ay sheegeen wariyaal goob joog ahaa, qaraxa waxa fulisay gabar ka mid aheyd dadki marti sharafka ahaa ee xaflada joogay, waxaana mar qura uu qaraxu dhacay iyadoo xaflada uu ka hadlayey Ra’isulwasaaraha Soomaaliya C/wali Maxamed Cali.

Wariyaasha ayaa sheegaya in sadex meel lagu baarayey dadka xaflada soo galayey, balse ay fahmi la,yihiin sida gabadhaan loogu soo fududeeyey in ay xarunta soo gasho.

Al Shabaab ayaa sheegtay mas,uuliyada qaraxa kadib bayaan ay soo saareen maanta, iyaga oo sheegay in ay ku baa,iyeen dad cada w ahaa.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.